HomeWararPuntland oo sheegtay inay Dagaalka Alshabaab ku soo af-jarayaan 72 saacadood.

Puntland oo sheegtay inay Dagaalka Alshabaab ku soo af-jarayaan 72 saacadood.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Iyadoo ay Ciiddanka Puntland iyo Dagaalyahanadda Alshabaab maanta ku dagaalamayaan Togga Suuj ee duleeda Garmaal ayaa waxay Dowladda Puntland shaacisay inay muddo 72 sacaadood ku soo dhamaystiri doonaan Dagaalka ay ku jiraan Alshabaab ku sugan qeybo ka mid ah Goballadda Bari iyo Nugaal. Wasiirka Warfaafinta ee Maamulkaasi, Maxamuud Xasan Soo-cadde oo maanta Shir Jaraa’id ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo ay Ciiddanka Puntland iyo Dagaalyahanadda Alshabaab maanta ku dagaalamayaan Togga Suuj ee duleeda Garmaal ayaa waxay Dowladda Puntland shaacisay inay muddo 72 sacaadood ku soo dhamaystiri doonaan Dagaalka ay ku jiraan Alshabaab ku sugan qeybo ka mid ah Goballadda Bari iyo Nugaal.

Wasiirka Warfaafinta ee Maamulkaasi, Maxamuud Xasan Soo-cadde oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Garowe ayaa sheegay inay Ciiddankooda ku gacan sarreeyaan dagaal ay kula jiraan Alshabaab ku sugan Togga Suuj.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay inay Alshabaabku ku jiraan Dhallinyarro aan u dhalanin Puntland, kuwaasi oo uu xusay in laga keenay qeybo ka mid ah Koonfurta Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Wasiirka kama hakaninin inuu Dowladda Federalka dusha ka saaro Alshabaabka ku soo qulqulaya Puntland, isagoo xusay inay Dowladda Federalka wax ka og tahay arrintaasi, inkastoo ay Dowladda Federalka horey u beenisay arrintaasi.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Puntland, waxa uu ugu baaqay Alshabaab ka dagaalamayo Puntland inay isa soo dhiibaan, isagoo sheegay inaan wax Dembi ah loo raacan doonin, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Dadka ku nool Deegaanadda ay Alshabaabka ku sugan yihiin ayaa bilaabay inay ka qaxaan, si aysan ugu dhex go’doomin dagaalka Labada dhinac.

Si kastaba ha ahaatee, Iska horimaadka ka socda Togga Suuj ayaa u muuqda mid aan lagu kala bixi karin muddo kooban, maadaama ay Alshabaabka dhufeysyo adag ka qoteen Toggaasi oo aysan Gaadiidka Teknikadda si fudud ku gaari karin.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts