HomeWararSomali Maraykan lala xiriirinayo weerarkii Alshabaab ka geysteen Uganda oo la xukumay.

Somali Maraykan lala xiriirinayo weerarkii Alshabaab ka geysteen Uganda oo la xukumay.

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

C/llaahi Cumar Fiidse ayaa waxaa Khamiistii la soo dhaafay la soo taagay Maxkamadda ku taalla magaalladda San Antonio ee Gobalka Teksas ee dalka Maraykanka, isagoo lagu soo oogay inuu ka been sheegay Baaritaano dhinacyadda Socdaalka iyo Argagixisadda oo lagu hayey.

Baarayaasha waxay sheegeen in Mobaylka Eedeysanaha laga helay inuu xiriir la sameeyey Maxamed Suleymaan oo ka mid ah Eedeysanayaasha ay Hay’addaha Ammaanka Uganda u xireen Qaraxyaddii ka dhacay magaalladda Kampala bisii July 11-dii ee sannadkii 2010-kii, laguna dilay in ka badan 70-qof.

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxyadaasi oo dhacay habeenkii Finalka Koobkii K/cagta ee Caalamka, iyadoo dadka ku geeriyooday ama ku dhaawacmay ku jireen dad Maraykan ah.

Xeer-ilaaliye Mark Roomberg oo Khamiistii ka hadlay Maxkamadda ayaa u sheegay Garsoore Fred Biery inuu Eedeysane C/llaahi Cumar Fiidse u been sheegay Baarayaasha FBI-da inuu ku lug leeyahay falalka loogu yeero Argagixisadda.

Baarayaasha Argagixisadda ee Maraykanka ayaa iyagana u sheegay Maxkamadda  inEedeysane Fiidse  horey looga duubay hadal uu ku taageeray Alshabaab, isagoo sheegay inuu bixiyey 100,000 oo Dollar, oo ay Alshabaab ku iibsadeen Gaari Tekniko ah, kaasi oo uu xusay in Teknikadaasi lagu burburiyey dagaal dhacay sannadkii 2006-dii.

Mid ka mid ah dadkii Eedeysanaha kula xirnaa Xabsiga Socdaalka ee Pearsall ayaa FBI-da u gudbiyey hadalkaasi codka ahaa.

Molly Roth oo ah Qareenka difaacayey Eedeysane C/llaahi Cumar Fiidse ayaa beenisay Eedeysamahaasi, waxayna sheegtay inuusan Eedeysanaha ahayn Argagixiso.

Qareenka waxay sheegtay in Kiiskaasi looga dan leeyahay in Xabsiga loogu kordhiyo Eedeysanaha oo horey xukun loogu riday sannadkii 2013-kii.

Dhinaca kale, Garsooraha Maxkamadda ku taalla magaalladda San Antonio ee Gobalka Teksas ee dalka Maraykanka waxa uu ugu dambeyntii ku dhawaaqay in Eedeysane C/llaahi Cumar Fiidse lagu xukumay Xabsi 8 sanno ah.

©Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories