HomeWararTalyaaniga oo lagu qabtay Iimaam Soomaali lala xiriirinayo Alshabaab iyo Daacish.

Talyaaniga oo lagu qabtay Iimaam Soomaali lala xiriirinayo Alshabaab iyo Daacish.

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Boliska Talyaaniga waxay sheegeen inay Ninkaasi shalay ku soo qabteen meel ku dhow magaalladda Campobasso ee Gobalka Molise ee Koonfurta Talyaaniga. Iimaamka oo aan magaciisa la shaacin, balse 22-jir ah  ayaa la sheegay in lagu eedeynayo inuu dadka Magan-gelyo-doonka ku faafinayey Falal Xag-jirnimo, waa sida ay Boliska sheegeen. Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA ayaa baahisay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Boliska Talyaaniga waxay sheegeen inay Ninkaasi shalay ku soo qabteen meel ku dhow magaalladda Campobasso ee Gobalka Molise ee Koonfurta Talyaaniga.

Iimaamka oo aan magaciisa la shaacin, balse 22-jir ah  ayaa la sheegay in lagu eedeynayo inuu dadka Magan-gelyo-doonka ku faafinayey Falal Xag-jirnimo, waa sida ay Boliska sheegeen.

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA ayaa baahisay in Shir Jaraa’id in Iimaamkaasi  lagu qabtay Xarun Qaxooti oo ku taalla Degaanka Campo Marino ee duleedka magaalladda  Campobasso.

Ninkaasi oo  horey qaxooti ahaan isaga dhiibay Talyaaniga ayaa la sheegay inuu ku baraarujinayey Qaxootiga kale  inay noqdaan Is-qarxiyayaal iyo inay aadaan Rome  iyo inay weerarka ka bilaabaan Saldhigga laga raaco Tareenadda.

Madaxa Xeer-ilaalinta ee magaalladda Campobasso, Armando D’Slterio ayaa sheegay inay hayaan caddaymo xooggan oo muujinaya inuu Ninkaasi qorsheynayey weerar Argagixiso oo ka dhaca magaalladda Rome.

- Advertisement -

Baarayaasha Dembiyadda ayaa laga soo xigtay inuu Eedeysanaha doonayeen inuu shalay (Arbaco) ka baxsado Xerada Qaxootiga, si uu u gaaro magaalladda Rome, balse ay Boliska qabteen.

Boliska Talyaaniga waxay sheegeen inay dad la tukan jirey Iimaamka ay joojiyeen inay la tukadaan, kadib, markii ay ku arkeen Xag-jirnimo iyo isagoo ammaanay Weerarkii ay Daacish ku qaadeen caasimadda dalka Faransiiska ee Paris bishii November 13-dii ee sannadkii hore oo lagu dilay 130-qof.

Waxa kale oo uu Qaxootiga ku booriyey marka ay qaataan Dukumentiga Talyaaniga inay Jihaad u aadaan dalka Syria, waa sida laga soo xigtay Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi.

Boliska Talyaaniga waxay kaloo sheegeen inay muddo dhowr bilood Kaamerooyinka Qarsoon (CCTV) kala socdeen Dhaqdhaqaaqa Iimaamkaasi, waxayna soo bandhigeen caddaymo Muuqaal Video oo uu ku  taageerayey Kooxda Daacish, waa sida ay Boliska sheegeen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga, Anjaliino Alfaano ayaa u sheegay Barlamaanka Talyaaniga in qabashadda Iimaamka Soomalaiga muujinaysso sida ay u shaqeynayaan Nidaamka ka-hortagga ee Talyaaniga.

“Ma awoodno inaan yeelano Khatar Eber ah, laakiin qabashadda ka dhacday magaalladda Kambobaaso muujinaysaa shaqada Nidaamka Ka-hortagga. Yaanan Isku mashquulin, waa inaan ka mahadcelinayaa shaqada ay qabteen Boliskeenna ” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga.

italy police

Xigasho: ANSA & dpa

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts