HomeWararMuwaadiniin Soomaali oo  dhowr sanno  ku xirnaa Maraykanka oo lagu waayey Dembiyaddii...

Muwaadiniin Soomaali oo  dhowr sanno  ku xirnaa Maraykanka oo lagu waayey Dembiyaddii lagu soo oogay.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Maxkamadda Rafcaanka ee magaalladda Tennessee  waxay shalay 2 nin oo Soomaali ah ka saareen Liiska magacyadda Eedeysanayaal door ku lahaa Shabakad ku hawlanayd Ka-ganacsiga Dumarka. Labada nin ee lagu waayey Dembigaasi ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Idris Ibrahim Farah, Yasin Abriahman Yusuf, kuwaasi oo Xabiga lagu hayey in ka badan 4 sanno. Garsoore ka […]

- Advertisement -

Maxkamadda Rafcaanka ee magaalladda Tennessee  waxay shalay 2 nin oo Soomaali ah ka saareen Liiska magacyadda Eedeysanayaal door ku lahaa Shabakad ku hawlanayd Ka-ganacsiga Dumarka.

Labada nin ee lagu waayey Dembigaasi ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Idris Ibrahim Farah, Yasin Abriahman Yusuf, kuwaasi oo Xabiga lagu hayey in ka badan 4 sanno.

- Advertisement -

Garsoore ka tirsan Maxkamadda ayaa sheegay inaysan  Raggaasi wax dembi ah lahayn, isla markaana la waayey wax caddayn ah oo ku xaqiijinayo falka ay u xirnaayeen.

Raggaasi waxay ka mid ahaayeen 30 qof oo badankooda Somali ahaa, kuwaasi oo lagu soo oogay Tahriibinta iyo Ka-ganacsiga gabdho Soomaali ah.

Waxayna Boliska ogaadeen in gabdhahaasi oo ay ku jireen kuwo 12-jirro ah laga kaxeeyey magaallooyinka Mataanaha, si ay jirkooda uga ganacsadaan.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

 

Latest stories