HomeWararMadaxweynaha oo soo dhoweeyay go’aankii Golaha Wasiirada ee xoojinta amniga magaalada Muqdisho

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay go’aankii Golaha Wasiirada ee xoojinta amniga magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay go’aamadii ka soo baxay Golaha Wasiirada ee la xiriiray amniga magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo horkacayey kulamo deg-deg oo ay yeesheen Golaha Wasiirada saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, laguna gorfeynayey tallaabooyin cusub oo lagu xoojinayo amniga, ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay go’aamadii ka soo baxay Golaha Wasiirada ee la xiriiray amniga magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo horkacayey kulamo deg-deg oo ay yeesheen Golaha Wasiirada saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, laguna gorfeynayey tallaabooyin cusub oo lagu xoojinayo amniga, ayaa ku bogaadiyey Golaha Wasiirada sida deg-degga ah ee ay u soo diyaariyeen talooyin wax ka tari kara amniga caasimadda.

- Advertisement -

Go’aamada ka soo baxay Golaha Wasiirada ayaa waxaa ka mid ah in ciidammada booliska iyo nabadsugidda ee heer gobol ay door weyn ku yeeshaan amniga magaalada Muqdisho, iyado hawshaasina ay kala shaqeyn doonaan maamulka gobolka Banaadir, degmooyinka, iyo bulshada.

Waxaa qodobada go’aamadaasi ku xusan ka mid ah xakameynta hubka lagu dhex wato magaalada.

Golaha Wasiirada ayaa iyaguna si dhow ula shaqeyn doona maamulka gobolka iyo degmooyinka gobolka Banaadir, si loo xaqiijiyo amniga, loogana hortago shirqoolada iyo carqaladaha ay wadaan kooxaha nabadda ka soo horjeeda.

- Advertisement -

————————– DHAMMAAD———————————–

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts