HomeWararDaacish oo toogatay rag u dhashay Holland oo ka tirsanaa Kooxdaasi.

Daacish oo toogatay rag u dhashay Holland oo ka tirsanaa Kooxdaasi.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

8 qof oo u dhashay dalka Holland ayey la sheegay inay Daacish Jimcihii hore ku toogteen Degmadda Maadan ee Gobalak Raqah ee dalka Syria, waxaana dadkaasi lagu eedeeyey inay doonayeen inay ka baxsadaan goobaha dagaalka. Saraakiisha Daacish waxay kaloo amreen in la soo wada qabto dadka haysta dhalashadda Holland ee ka tirsan Daacish, kadib, markii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

8 qof oo u dhashay dalka Holland ayey la sheegay inay Daacish Jimcihii hore ku toogteen Degmadda Maadan ee Gobalak Raqah ee dalka Syria, waxaana dadkaasi lagu eedeeyey inay doonayeen inay ka baxsadaan goobaha dagaalka.

Saraakiisha Daacish waxay kaloo amreen in la soo wada qabto dadka haysta dhalashadda Holland ee ka tirsan Daacish, kadib, markii looga shakiyey qorshooyin ay ku doonayaan inay ka goostaan Kooxdaasi mayalka adag.

- Advertisement -

Ku-dhawaad 200 oo u dhalatay dalka Holland oo ay ku jiraan 50 haween ayaa ku biiray Kooxda Daacish, kuwaasi oo ka dagaalama dalalka Syria iyo Iraq.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Kooxda Daacish, Ibrahim Awad Ibrahim al-Badri , laguna naanayso Abu Bakar Albaqdaadi ayaa ku amray Maleeshiyadiisa inay baadi-goobaan,  isla markaana u soo qabteen Xaaskiisa oo ka baxsatay.

Haweeneydaasi oo u dhalatay dalka Jarmalka, laguna magacaabo Diyaane Kuruger, ayaa la sheegay inay ka baxsatay Deegaanadda ay Daacish ka haystaan dalka Ciraaq, iyadoo ay wehliyeen labo haween oo kale.

- Advertisement -

Abu Bakar Albaqdaadi waxa la sheegay in Xaaska ka baxsatay uu guursaday bishii October ee sannadkii hore, xilligaasi oo uu ku sugnaa Gobalka Ninawa ee dalka Ciraaq.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts