HomeWararGolaha Wasiirada oo Ansixiyey Siyaasadda Guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirada oo Ansixiyey Siyaasadda Guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed.

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Muqdisho, February 25, 2016……Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoomiyay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda Mudane C/laahi Axmed Jaamac “Ilka-Jiir”, iyadoo kulankan Warbixino looga dhageystay Wasaaraddo kala duwan, isla markaana lagu ansixiyey Siyaasadda guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed. Ugu horeyn, golaha Wasiirada ayaa warbixin la […]

- Advertisement -

Muqdisho, February 25, 2016……Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoomiyay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda Mudane C/laahi Axmed Jaamac “Ilka-Jiir”, iyadoo kulankan Warbixino looga dhageystay Wasaaraddo kala duwan, isla markaana lagu ansixiyey Siyaasadda guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed.

Ugu horeyn, golaha Wasiirada ayaa warbixin la xiriirta ammaanka guud ee dalka ka dhageystay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, waxana ay sheegeen in Ciidamadda Qaranka howlgallo ay ka sameeyeen deegaano hoos-yimaada degmada Madahadaay, oo ay kamid yihiin, Ceel-baraf iyo Caadley ee gobolka shabeelaha dhexe oo horey halkaas ugu sugnaayeen Kooxaha Nabaddiidka ah ay gacanta ku dhigeen Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Sidoo kale, waxay ka warbixiyeen howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka oo Ciidanka Amnigu ay ka sameeyeen Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, kuwaas oo lagu fashiliyey falal amini darro oo ay maleegayeen kooxaha Argagixisadu.

Ugu danbeyntii, Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Siyaasadda Guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed oo uu soo gudbiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, sidaas ayaana lagu dhaqan galin doonaa Siyaasaddan cusub.

GW2

- Advertisement -

—–DHAMMAAD—

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Latest stories