HomeCiyaarahaXulka K/cagta ee dalka DRC oo lagu abaalmariyey gawaari Casri ah.

Xulka K/cagta ee dalka DRC oo lagu abaalmariyey gawaari Casri ah.

Date:

Related stories

HIQ oo qaaday aqoon-isweydaarsi ku saabsan IPv6

HIQ oo qaaday aqoon-isweydaarsi ku saabsan IPv6 Muqdisho, 10 Juun...

Baydhabo oo dooranaysa hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Baydhabo oo dooranaysa hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Baydhabo, 10 Juun 2026 –...

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...
- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Koongada Dimuqraadiga (DRC), Joseph Laurent Kabila waxa uu Ciyaaryahan kasta oo ka mid ah Xulka K/cagta ee Qarankiisa gudoonsiiyey gaari cusub oo midkiiba qiimihiisu dhan yahay 60,000 oo Dollars.

Madaxweyne Kabiila waxa uu gaadiidkaasi u qeybiyey 23 Ciyaartoy iyo 7 Saraakiisha Kooxda, kadib, markii ay ku guuleysteen Koobka Qaramadda Afrika “The African Nations Championship (Chan)” oo lagu qabtay caasimadda dalka Rwanda ee Kigali.

- Advertisement -

Xulka dalka Kongadda Dimuqraadiga waxay 3-0 kaga guuleysteen Xulka Qaranka ee dalka Mali oo ay isugu soo hareen Ciyaartii Finalka ahayd.

Ciyaartoyda iyo Madaxda Xulka Qaranka ee dalka Kongadda Dimuqraadiga (DRC), waxaa Abaalmarin isugu jirtay Bilado iyo Gaadiid Casri ahi lagu guddoonsiiyey Qasriga Madaxtooyadda oo ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Kinshasa.

Tababaraha Xulka K/cagta ree dalkaasi, Florent Ibenge ayaa ka mahadceliyey Abaalmarintaas iyo soo-dhaweynta uu u sameeyey Madaxweyne Kabiila.

- Advertisement -

DRC 1

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan 

Latest stories