Garsooraha Soomaaliyeed ee heerka caalami, Cumar Cabduqaadir Cartan, ayaa caawa taariikh cusub ka sameynaya kubadda cagta Yurub, isagoo noqonaya garsoorihii ugu horreeyay ee aan Yurub ka soo jeedin ee dhex-dhexaadiya kulanka UEFA Super Cup. Kulankan weyn, oo caawa 10:00 PM habeenimo ka dhici doona magaalada Salzburg ee dalka Austria, waxaa isaga hor imaanaya Paris Saint-Germain, oo ku guuleysatay UEFA Champions League, iyo Aston Villa oo qaaday UEFA Europa League.
Tallaabadan ayaa muhiim u ah sababtoo ah waxay ka dhigan tahay guul taariikhi ah oo sharaf u ah Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika, iyadoo Cartan uu ku soo laabtay heer sare kadib markii loo diiday inuu galo Mareykanka si uu uga qayb qaato Koobka Adduunka bishii Juun . Garsoore Cartan, oo 34 jir ah, ayaa ku jira liiska garsoorayaasha caalamiga ah ee FIFA tan iyo sannadkii 2018, waxaana sannadkii 2025 loo magacaabay Garsooraha ugu fiican Afrika.
Cartan ayaa laga saaray garsoorayaashii Koobka Adduunka ka dib markii uu yimid Miami International Airport, waxaana loo sheegay inuu “xiriir la leeyahay tuhmanayaal ka tirsan kooxo argagixiso ah”. Si kastaba ha ahaatee, UEFA ayaa ku magacaabay garsooraha kulanka Super Cup shan maalin ka dib, iyadoo ay ugu wacan tahay heshiis iskaashi oo u dhexeeya UEFA iyo CAF. Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Cali Cabdi Maxamed, ayaa guul weyn ku tilmaamay in Cartan iyo labadiisa caawiye oo kasoo kala jeeda Jabuuti iyo Kenya loo doorto inay dhex-dhexaadiyaan kulankan.
Indhaha taageerayaasha Soomaaliyeed iyo kuwa Afrika ayaa caawa ku sii jeeda garoonka Red Bull Arena ee Salzburg, halkaas oo Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan uu magaca Soomaaliya ku qori doono bog cusub oo taariikhi ah oo kubadda cagta Yurub ah.
