HomeWararKenya oo sheegtay inay rag lala xiriirinayo Alshabaab ku qabteen Mandera.

Kenya oo sheegtay inay rag lala xiriirinayo Alshabaab ku qabteen Mandera.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Xiriiriyaha Ammaanka ee Gobalka W/bari Kenya, Maxamuud Saalax oo khadka telefoonka kula hadlay Wargeyska The Star ayaa sheegay inay 8 nin oo lala xiriirinayo Alshabaab shalay laga soo qabtay  inta u dhexeysa Deegaanadda Kotulo iyo Lafeey, halkaasi oo ay ka socdaan Hawlgalka ay Boliska Kenya ku sugayaan Ammaanka. Waxa uu intaasi ku daray  in raggaasi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xiriiriyaha Ammaanka ee Gobalka W/bari Kenya, Maxamuud Saalax oo khadka telefoonka kula hadlay Wargeyska The Star ayaa sheegay inay 8 nin oo lala xiriirinayo Alshabaab shalay laga soo qabtay  inta u dhexeysa Deegaanadda Kotulo iyo Lafeey, halkaasi oo ay ka socdaan Hawlgalka ay Boliska Kenya ku sugayaan Ammaanka.

Waxa uu intaasi ku daray  in raggaasi loo gudbiyey  Saldhigga Boliska Degmadda Ceel-waaq, halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo.

- Advertisement -

Xiriiriyaha Ammaanka ee Gobalka W/bari Kenya, Maxamuud Saalax waxa uu tilmaamay inay raggaasi sharci-darro ku joogeen, isla markaana lagu tuhunsan yahay inay qeyb ka yihiin xubnaha Alshabaab ee weeraradda ka fuliya gudaha Kenya, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Mas’uulkaasi waxa uu Wareysigiisa ku sheegay inay Ciiddanka Boliska bedeleen Xeeladihii ay Alshabaab kula dagaalami jireen, maadaama ay Alshabaab beddeleen Xeeladihii hore, waa sida uu hadalka u yiri.

Xiriiriyaha Ammaanka ee Gobalka W/bari Kenya, Maxamuud Saalax waxa kaloo uu sheegay in Hawlgalka Boliska sii socon doono labada isbuuc ee nagu soo fool leh.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, ma jiraaan warar madax bannaan oo xaqiijinayo in ragga la  sheegay in lagu qabtay nawaaxiga Mandera ay yihiin xubno ka tirsan Xarakadda Alshabaab.

 ©Radio Dalsan   

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts