HomeWararWasiir ka goostay Maamulka K/galbeed oo Madaxweyne looga doortay Bakool.

Wasiir ka goostay Maamulka K/galbeed oo Madaxweyne looga doortay Bakool.

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Khilaaf Siyaasadeed qorsheysan ayaa waxa uu haatan ka ololayaa Goballadda hoos-taga Maamul-gobaleedka K/Galbeed Somalia, kadib, markii ay Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka iyo Siyaasiyiin kale Maamul cusub kaga dhawaaqeen Gobalka Bakool. Xildhibaan Axmed Sheekh Maxamed Laxos”Mashruuc” oo horey isaga casilay Xilkii Wasiirnimo ee uu ka hayey Maamulka K/Galbeed Somalia ayaa loo doortay Madaxweynaha cusub ee Maamul […]

- Advertisement -

Khilaaf Siyaasadeed qorsheysan ayaa waxa uu haatan ka ololayaa Goballadda hoos-taga Maamul-gobaleedka K/Galbeed Somalia, kadib, markii ay Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka iyo Siyaasiyiin kale Maamul cusub kaga dhawaaqeen Gobalka Bakool.

Axmed Sheekh Maxamed LaxosMashruucXildhibaan Axmed Sheekh Maxamed Laxos”Mashruuc” oo horey isaga casilay Xilkii Wasiirnimo ee uu ka hayey Maamulka K/Galbeed Somalia ayaa loo doortay Madaxweynaha cusub ee Maamul la magac baxay Bakool Sare.

- Advertisement -

Qaar ka mid ah Guddiga Doorashadda ee Maamulkaasi ayaa sheegay inay muddo 90-cisho shir ku lahaayeen Degmadda Ceel-berde ee Waqooyiga Gobalka Bakool, si ay u dhistaan Maamul ka madax bannaan Maamulka K/galbeed ee ka taliya Goballadda Sh/hoose, Bay iyo Bakool.

Madaxweyne-ku-xigeenka Maamulkaasi, ayaa loo magacaabay nin lagu magacaabo C/llaahi Nirig, waxaana uu Maamulkaasi xukumaa saddexda Degmo ee Yeed, Ceel-berde iyo Aato.

Dhinaca kale, Maamul-gobaleedka K/galbeed Somalia ayaa gaashaanka ku dhuftay Magacaabistaasi, waxayna sheegeen in Fowdo Siyaasadeed looga dan leeyahay waxa loogu yeeray Maamul-ku-sheeg.

- Advertisement -

bakol sare

©Radio Dalsan

 

 

Latest stories