HomeWararWeriye Jaamac Deberaani oo lagu xiray Garowe.

Weriye Jaamac Deberaani oo lagu xiray Garowe.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

  Ciiddanka Ammaanka Dowlad-gobaleedka Puntland waxay maanta Xabsiga dhigeen  Weriye JaamacYuusuf Jaamac “Deberaani” kaasi oo u shaqeeya Telefishinka Somali Chanbel oo Xaruntiisa Dhexe ku taallo dalka Britain. Maamulka Puntland waxay dhawaan Weriyahaasi ka mamnuuceen inuu Barnaamijka “Deparani Show” ka baahiyo Deegaannadda Puntland, kadib, markii ay Maamulkaasi qoonsadeen Wareysiyo ku baxay Barnaamijkaasi Toddobaadlaha ah. Wasiirka Warfaafinta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

 

Ciiddanka Ammaanka Dowlad-gobaleedka Puntland waxay maanta Xabsiga dhigeen  Weriye JaamacYuusuf Jaamac “Deberaani” kaasi oo u shaqeeya Telefishinka Somali Chanbel oo Xaruntiisa Dhexe ku taallo dalka Britain.

- Advertisement -

Maamulka Puntland waxay dhawaan Weriyahaasi ka mamnuuceen inuu Barnaamijka “Deparani Show” ka baahiyo Deegaannadda Puntland, kadib, markii ay Maamulkaasi qoonsadeen Wareysiyo ku baxay Barnaamijkaasi Toddobaadlaha ah.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Xasan Soocadde ayaa la sheegay inuu bixiyey Amarka maanta lagu soo xiray Weriye Jamaac Deberaani, waana amarkii Labaad ee uu ku hor-joogsado Weriyahaasi, iyadoo uu Wasiirku bishan 10-da soo saaray Wareegto uu shaqada ka joojiyey Weriyahaasi oo Soo-saare ka ah Barnaamijka “Deparani Show” ee ka baxa Somali Channel Television.

Lama garanayo sababaha rasmiga ee ay Ciiddanka Puntland u xireen Weriyahaasi, inkastoo la hadal-hayo inuu xarigiisa yimid, kadib, markii uu Weriyuhu habeen hore Wareysi la yeeshay  Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Axmed Odawaa.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Puntland (MAP), Faysal Khaliif Barre ayaa cambaareeyey Xarigaasi, kuna tilmaamay mid xadgudub ku ah Xuquuqda Xorriyadda Hadalka iyo Madax-bannaanida Saxaafadda.

Si kastaba ha ahaatee, Xarigga Weriye Deberaani ayaa yimid, iyadoo ay Suxufiyiinta ka hawlgala Maamulka Puntland ka cabanayaan Awoodda uu Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Soo-cadde ku caburinayo Saxaafadda Madaxa-bannaan.

© Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts