HomeWararQM: Somalia wey ka gudubtay Dowladaha Fashilmay.

QM: Somalia wey ka gudubtay Dowladaha Fashilmay.

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

N.KAYErgayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa sheegay inay Somalia ka gudubtay Marxalladii Dowladaha Fashilmay, isla markaana ay haatan noqotay Dowlad soo-kabanayso (Recovered State).

Isagoo ka hadlayey Shirkii Heerka Wasiir ee Golaha Ammaanka ee QM, waxa uu ka digay haddii ay Beesha Calaamka jaraan Kaalmadda Somalia inay taasi abuuri doonto Qaxooti cusub oo ku soo jaba Bariga Afrika.

Waxa kaloo uu ka digay inay lumi karo Rajadda Malaayiin qof oo Soomali ah, isla markaana ay khatar ku imaan karto Ammaanka iyo Nabadda Geeska Afrika iyo Bariga Afrika.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay waxa uu sheegay inuu rajo ka qabo inay Doorasho ka dhici doonto Somalia sannadka soo socda, sida uu qorshuhu yahay.

Wuxuuna ku celceliyey inay Doorashaddu dhici doonto isla Waqtiga loogu talagalay, kana mug ballaarnaan doonto marka la barbar dhigo Doorashaddii sannadkii 2012-kii ee lagu soo doortay Madaxweyne Hassan Sheekh iyo Golaha Barlamaanka Federalka.

© Radio Dalsan

UN

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories