HomeWararMadaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Boqortooyada Netherlands

Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Boqortooyada Netherlands

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Boqortooyada Netherlands Muqdisho, 24 October, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Netherlands wakiilka uga noqon doona Soomaaliya, Amb. Franciscus Albercht Makken. Madaxweynaha ayaa danjiraha u xaqiijiyey in dowladda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Boqortooyada Netherlands

Muqdisho, 24 October, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Netherlands wakiilka uga noqon doona Soomaaliya, Amb. Franciscus Albercht Makken.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa danjiraha u xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, isla markaana ka mahad celiyey doorka Boqortooyada Netherlands ka qaadaneyso arrimaha Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in laga taageero sidii barnaamijyo mihnadeed loogu fidin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaana Midowga Yurub iyo beesha caalamka ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya sidii loo joojin lahaa falal kaluumeysi sharci darro ah oo ay xeebaha dalka ka sameynayaan maraakiib shisheeye.

Danjire Makken, safiirka cusub ee Netherlands, ayaa isna sheegay in dowladiisa ay sii wadi doonto taageerada ay ka geysaneyso barnaamijyada dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

- Advertisement -

Waxaa uu intaa ku darey in Boqortooyada Netherlands oo la shaqeyneysa Midowga Yurub ay wadajir wax uga qaban doonaan baahiyada ka jira Soomaaliya, iyagoo talooyin ka qaadanaya madaxda Soomaaliya.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibedda Axmed Cali Kediye, iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socdey labada dhinac.

— DHAMMAAD—

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

IB0A6046
IB0A6005
IB0A6006
IB0A6090
IB0A6076

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts