HomeWararSirdoonka Maraykanka oo dhibaato kala kulma Hawlgalladda Droneska lagu ugaarsanayo Saraakiisha Alshabaab

Sirdoonka Maraykanka oo dhibaato kala kulma Hawlgalladda Droneska lagu ugaarsanayo Saraakiisha Alshabaab

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wargeyska The Intercept ayaa qoray inay Ilo ka tirsan Sirdoonka Maraykanka sheegeen inay culays kala kulmaan baadi-goobka Saraakiisha Xarakadda  Alshabaab ee ku sugan gudaha dalka Somalia. Wargeyska waxa uu qoray inay Hagayaasha Diyaaradaha Droneska ee Sirdoonka Maraykanka ku guuleysan la’ yihiin helitaanka xubnaha Alshabaab ee u qorsheysan inay ka takhalusaan. Wargeyska waxa uu qoray inkastoo […]

- Advertisement -

Wargeyska The Intercept ayaa qoray inay Ilo ka tirsan Sirdoonka Maraykanka sheegeen inay culays kala kulmaan baadi-goobka Saraakiisha Xarakadda  Alshabaab ee ku sugan gudaha dalka Somalia.

Wargeyska waxa uu qoray inay Hagayaasha Diyaaradaha Droneska ee Sirdoonka Maraykanka ku guuleysan la’ yihiin helitaanka xubnaha Alshabaab ee u qorsheysan inay ka takhalusaan.

- Advertisement -

Wargeyska waxa uu qoray inkastoo ay Droneska ku rakiban yihiin Qalab Teknoolajiyad casari xambaarsan, haddana waxay CIA-du sheegeen inay ku fashilmeen inay Hawlgalladda Droneska ku helaan Shaqsiyaadka Alshabaab ee ay bartilmaameedsadaan.

Dhinaca kale, Wargeyska The Intercept ayaa qoray inay ilo qarsoon ka heleen Xogta ku aadan caqabadaha la soo darsay Hawlgalladda Droneska Maraykanka ee ay ku ugaarsadaan Shaqsiyaadka loogu yeero Argagixisadda ee ku nool dalalka Somalia iyo Yemen.

Droneska Maraykanka waxay horey Hawlgallo qorsheysan ugu dileen Madax Sare oo ka tirsan Xarakadda Alshabaab, oo uu ka mid ahaa Hoggaamiyahoodii hore,  Axmed Cabdi Aw-Maxamuud Godane oo loo yaqaanay Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abu Zubeyr.

- Advertisement -

© Radio Dalsan

Xigasho:The Intercept

Latest stories