HomeWararSannadguuradii 61-aad ee Maalinta Calanka Qaranka oo maanta loo dabaaldegayo.

Sannadguuradii 61-aad ee Maalinta Calanka Qaranka oo maanta loo dabaaldegayo.

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Maanta oo kale, bishii October 12-dii ee sannadkii 1954-kii waxaa la hindisay, lana soo bandhigay Shaxda Calanka Qaranka Somalia ee bulugga dhexda ku leh Xiddigta Cad. Calanka oo ah Astaanta Qaranimadda Somali ayaa waxa uu ka turjumayaa Shanta Gobal ee ay Gumeysigii Europe ku kala qeybsadeen Goballadda dalka Somalia. Shirkii Gumeystayaashii Reer Europe ee ay […]

- Advertisement -

Maanta oo kale, bishii October 12-dii ee sannadkii 1954-kii waxaa la hindisay, lana soo bandhigay Shaxda Calanka Qaranka Somalia ee bulugga dhexda ku leh Xiddigta Cad.

Calanka oo ah Astaanta Qaranimadda Somali ayaa waxa uu ka turjumayaa Shanta Gobal ee ay Gumeysigii Europe ku kala qeybsadeen Goballadda dalka Somalia.

- Advertisement -

Shirkii Gumeystayaashii Reer Europe ee ay sannadkii 1884-kii ku kala qeybsadeen dalalka Qaaradda Afrika waxa uu saamayn xoogan ku yeeshay Midnimadda Goballadda Somalia, waxaana la kala qoqobay Ummadda Soomaaliyeed oo loo kala qeybsaday Shan Qeybood oo kala ah:

1- Goballadda Koonfurta oo uu Gumeysigii Talyaaniga maamuli jirey.

2- Goballadda Waqooyiga oo uu Gumeystihii Ingiriiska maamuli jirey.

- Advertisement -

3- Gobalka Dhulka Kaydka ee Reserved Area ee Ogadeniya oo uu Gumeysigii Britain maamuli jirey, ka hor inta aan loo hibeeynin Ethiopia.

4- Gobalka NFD oo uu Ingiriiska gumeysan jirey, kadibna ay u hibeeyeen dalka Kenya.

5- Jabuuti oo uu gumeysigii Faransiiska xukumi jirey.
Calanka Somalia ayaa waxa uu weli astaan lagu soo hirto u yahay Shanta Somali-weyn, inkastoo xawaarihii Baadigoobka Midnimadda Somalia ku wiiqmeen Dagaalladii Sokeeye iyo kuwa Siyaasadeed ee ka dhacay dalkeenna.

Waxaa gaasir noqotay Midnimadda dalka, waxayna Beelaha Soomaaliyeed bilaabeen inay hindistaan Calamadda Maamul-gobaleedyadda, kuwaasi oo khatar ku haya Astaanta Guud ee Calanka Qaranka Somalia.

Maamul-gobaleedyadda Puntland, Galmudug, K/galbeed iyo Jubbaland waxay samaysteen Calamo u khaas ah, waxayna Calamadda Goballadda ka feer taagaan Calanka Qaranka.

Siyaasiyiinta Qaran-diidka ee deggan Goballadda W-Galbeed Somalia ayaa waxay u xusul-duubeen inay marin habaabiyaan Qaddyadda Midnimadda Ummadda Somalia, waxayna sannadkii 1991-kii ku dhawaaqeen Gooni-goosasho, inkastoo aysan ilaa iyo haatan helin Ictiraaf.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa ayaan-darro noqotay inay Ummadda Soomaaliyeed xushmad siinin Qiimaha Calanka Somalia, waxaana Xushmadad Calanka ugu dambaysay xilligii ay Dowladihii Rayidka iyo Dowladdii Kacaanka, oo si haybad leh loo maamusi jirey.

WQ. Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

Latest stories