HomeWararKenya oo sheegtay inay Dagaalyahanno Alshabaab ku dileen duleedka Baardheere

Kenya oo sheegtay inay Dagaalyahanno Alshabaab ku dileen duleedka Baardheere

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Afhayeenka Ciiddanka Difaaca Kenya, David Obonyo ayaa guul ballaaran ku tilmaamay Hawlgalkii ay Ciiddamadda Huwanta shalay ku qabsadeen magaalladda Baardheere ee Gobalka Gedo. Waxa uu sheegay in Qabsashadda Baardheere ka dhigan tahay guul-daarraadii ugu xumayd ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab lakulmeen, iyadoo ay Alshabaab muddo 7 sanno ah gacantaa ku hayeen Baardheere oo ku taalla Deegaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Afhayeenka Ciiddanka Difaaca Kenya, David Obonyo ayaa guul ballaaran ku tilmaamay Hawlgalkii ay Ciiddamadda Huwanta shalay ku qabsadeen magaalladda Baardheere ee Gobalka Gedo.

Waxa uu sheegay in Qabsashadda Baardheere ka dhigan tahay guul-daarraadii ugu xumayd ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab lakulmeen, iyadoo ay Alshabaab muddo 7 sanno ah gacantaa ku hayeen Baardheere oo ku taalla Deegaan Istaraatijiyad leh.

- Advertisement -

David Obonyo waxa uu  carraabka ku dhuftay inay Dagaalamayaasha Alshabaab u adeegsan jireen Buundada Baardheere inay ka soo qaadaan dagaalladda ay ka geystaan W/bari Kenya, waa sida uu hadalka u yiri.

Sidoo kale,  waxa uu sheegay inay Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ay shalay dagaal kula galeen Alshabaab duleedka Baardheere.

Waxa uu sheegay inay iska horimaadkaasi ku dileen 24 dagaalyahan, balse ma jiraan ilo madax-baannaan oo xaaqiijinayo sheegashadaasi.

- Advertisement -

David Obonyo waxa kaloo uu tilmaamay inay Hawlgalkaasi ku qabteen 4 dagaalyahanoo ka tirsan Alshabaab.

Mar uu ka hadlay khasaaraha dhinacooda ka soo gaaaray iska horimaadkaasi waxa uu ku gaabsaday inay 2 Askari kaga dhaawacmeen.

Dhinaca kale, Weerarkii shalay ayaa la sheegay in 2Askari oo kaa tirsan Ciiddanka Dowladda Federalkaa lagu dilay, 8 kalena lagu dhaawacay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts