HomeWararKenya oo sheegtay inay Dagaalyahanno Alshabaab ku dileen duleedka Baardheere

Kenya oo sheegtay inay Dagaalyahanno Alshabaab ku dileen duleedka Baardheere

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Afhayeenka Ciiddanka Difaaca Kenya, David Obonyo ayaa guul ballaaran ku tilmaamay Hawlgalkii ay Ciiddamadda Huwanta shalay ku qabsadeen magaalladda Baardheere ee Gobalka Gedo. Waxa uu sheegay in Qabsashadda Baardheere ka dhigan tahay guul-daarraadii ugu xumayd ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab lakulmeen, iyadoo ay Alshabaab muddo 7 sanno ah gacantaa ku hayeen Baardheere oo ku taalla Deegaan […]

- Advertisement -

Afhayeenka Ciiddanka Difaaca Kenya, David Obonyo ayaa guul ballaaran ku tilmaamay Hawlgalkii ay Ciiddamadda Huwanta shalay ku qabsadeen magaalladda Baardheere ee Gobalka Gedo.

Waxa uu sheegay in Qabsashadda Baardheere ka dhigan tahay guul-daarraadii ugu xumayd ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab lakulmeen, iyadoo ay Alshabaab muddo 7 sanno ah gacantaa ku hayeen Baardheere oo ku taalla Deegaan Istaraatijiyad leh.

- Advertisement -

David Obonyo waxa uu  carraabka ku dhuftay inay Dagaalamayaasha Alshabaab u adeegsan jireen Buundada Baardheere inay ka soo qaadaan dagaalladda ay ka geystaan W/bari Kenya, waa sida uu hadalka u yiri.

Sidoo kale,  waxa uu sheegay inay Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ay shalay dagaal kula galeen Alshabaab duleedka Baardheere.

Waxa uu sheegay inay iska horimaadkaasi ku dileen 24 dagaalyahan, balse ma jiraan ilo madax-baannaan oo xaaqiijinayo sheegashadaasi.

- Advertisement -

David Obonyo waxa kaloo uu tilmaamay inay Hawlgalkaasi ku qabteen 4 dagaalyahanoo ka tirsan Alshabaab.

Mar uu ka hadlay khasaaraha dhinacooda ka soo gaaaray iska horimaadkaasi waxa uu ku gaabsaday inay 2 Askari kaga dhaawacmeen.

Dhinaca kale, Weerarkii shalay ayaa la sheegay in 2Askari oo kaa tirsan Ciiddanka Dowladda Federalkaa lagu dilay, 8 kalena lagu dhaawacay.

Latest stories