HomeWararQM oo cambaaraysay weerararadii ay Alshabaab ka geysteen Hotelladda iyo Fariisinika...

QM oo cambaaraysay weerararadii ay Alshabaab ka geysteen Hotelladda iyo Fariisinika AMISOM ee Mogadsihu Stadium

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa si kulul u cambaareeyey weeraradii ay Dagaalamayaasha Alshabaab xalay ku qaadeen Hotelladda Siyaad, Wehliye iyo Fariisinka Ciiddanka AMISOM ku leeyihiin Garoonka Ciyaaraha ee Mogadishu Stadium, ee ay ku geeriyoodeen, kuna dhaawacmeen dad rayid ahaa. “Waxaan si xooggan u cambaaraynayaa weeraradii […]

- Advertisement -

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa si kulul u cambaareeyey weeraradii ay Dagaalamayaasha Alshabaab xalay ku qaadeen Hotelladda Siyaad, Wehliye iyo Fariisinka Ciiddanka AMISOM ku leeyihiin Garoonka Ciyaaraha ee Mogadishu Stadium, ee ay ku geeriyoodeen, kuna dhaawacmeen dad rayid ahaa.

“Waxaan si xooggan u cambaaraynayaa weeraradii shalay ee ka dhacay Muqdisho, waxaana ka argagaxay dadkii rayidka ahaa ee ay kuwii weeraradda qaaday dileen” ayuu yiri Nichola Kay.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay weeraradaasi dhaceen xilligii ay Muslimiinta u afurayeen, salaadda kadib.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay waxa uu ammaanay tallaabadda dhaqsaha leh ee ay qaadeen Ciiddanka Somalia iyo kuwa AMISOM, oo uu xusay inay aad ugu guuleysteen sidii looga hortagi lahaa inaysan weeraradaasi geysanin khasaaro badan.

Waxa uu intaasi ku daray inay QM, AMISOM iyo Beesha Caalamka sii xoogan u wadi doonaan sidii loo dhisi lahaa Ciiddanka Ammaanka Qaranka oo xooggan iyo Hay’addaha Dowladda si ay u sugaan ammaanka dalka.

- Advertisement -

Nicholas Kay waxa uu tacsi u diray qoysaska iyo saaxiibadda dadkii ku geeriyooday weeraradii xalay, wuxuuna u rajeeyey kuwa ku dhaawacmay weeraradaasi inay ka soo kabtaan dhaawacyadda.

© Radio Dalsan

Latest stories