HomeWararDib-u-dhac ku yimid qorshihii Ciiddamadda QM loogu soo daad-gureyn lahaa Somalia

Dib-u-dhac ku yimid qorshihii Ciiddamadda QM loogu soo daad-gureyn lahaa Somalia

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Guddiga Isku-dhafka ee QM iyo Ururka Midowga Afrika ayaa  isku raacay in dib loo dhigo qorshaha Ciiddamo ka socda QM loogu soo daad-gurayn lahaa dalka Somalia. Go’aankaasi ayaa lagu gaaray Shirweynaha 15-aad ee Guddiga Isku-xirka Hawlaha Milliteriga ee AMISOM, kaasi oo dhawaan lagu qabtay caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba. Wax faahfaahin ah lagama bixinin […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga Isku-dhafka ee QM iyo Ururka Midowga Afrika ayaa  isku raacay in dib loo dhigo qorshaha Ciiddamo ka socda QM loogu soo daad-gurayn lahaa dalka Somalia.

Go’aankaasi ayaa lagu gaaray Shirweynaha 15-aad ee Guddiga Isku-xirka Hawlaha Milliteriga ee AMISOM, kaasi oo dhawaan lagu qabtay caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

- Advertisement -

Wax faahfaahin ah lagama bixinin sababaha rasmiga ee looga baaqsaday in xilligan Ciiddamo Nabad-ilaaliyaal oo ka socda QM loo soo daad-gureeyo dalka Somalia, si ay kaalin uga qaataan Hawlgalladda lagu soo celinayo Nabadda iiyo Deganaanshaha Somalia.

Madaxa Ammaanka iyo Nabadda ee Ururka Midowga Afrika, Ismail Chergui  ayaa shir-guddoomiyey Shirweynahaasi oo aad looga hadlay Hawlgalka lagula dagaalamayo Alshabaab iyo sidii loo dhamaystiri lahaa dadaalka Siyaasadeed ee haatan ka socda Somalia.

Guddiga Isku-dhafka waxay kaloo isla eegeen dalabyo ku aadan sidii loo xoojin lahaa taageeradda la siiyo Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka Somalia.

- Advertisement -

Shirweynaha 15-aad ee Guddiga Isku-xirka Hawlaha Milliteriga ee AMISOM ee lagu soo gebabegeebeyey magaalladda Addis Abeba waxaa kaloo ka qeyb galay Taliyayaasha Ciiddanka  iyo Saraakiisha Sarsare ee Milliteriga ee Dowladaha ay ciiddamadooda qeyb ka yihiin Hawlgalka AMISOM iyo Wakiilo ka kala socday QM, Midowga Europe ee EU,Dowladda Maraykanka, iyo Hay’addaha Caalamiga ee taakuuleeya Hawlgalka AMISOM.

Xigasho: APA

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts