HomeWararSarkaal ka tirsanaa Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah AMISOM oo ku...

Sarkaal ka tirsanaa Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah AMISOM oo ku geeriyooday miino ay Alshabaab u dhigeen oo la aasay

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Gaashaanle Denis Okech Okello oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciiddanka Uganda ee jooga Somalia ayaa la sheegay in lagu aasay Deegaanka uu ka soo jeeday ee Boroboro Parish ee duleedka Degmadda Liiraa ee dalka Uganda. Sarkaalkaasi ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax miino oo bishan June 17-dii lagula beegsaday Kolonyo uu hoggaaminayey oo marayey […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Gaashaanle Denis Okech Okello oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciiddanka Uganda ee jooga Somalia ayaa la sheegay in lagu aasay Deegaanka uu ka soo jeeday ee Boroboro Parish ee duleedka Degmadda Liiraa ee dalka Uganda.

Sarkaalkaasi ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax miino oo bishan June 17-dii lagula beegsaday Kolonyo uu hoggaaminayey oo marayey inta u dhexeysa Bali-doogle iyo Torotoorow ee Gobalka Sh/hoose.

- Advertisement -

Gaashaanle Geoffrey Kyomuhendo  oo ka tirsan Ciiddanka Uganda ee ka tirsan Hawlgalka AMISOM ayaa u sheegay dadkii ka soo qeyb galay  aaska Sarkaalkaasi inuu Gaashaanle Denis Okech Okello door libaax ka qaatay sidii Alshabaab looga qabsan lahaa Deegaanka Torotoorow.

 

Dhinaca kale, AMISOM ayaa sheegtay inuu Sarkaalkaasi ahaa mid waajibkiisa gutay, isla markaana had iyo jeer joogi jirey aagga hore ee dagaalka marka ay dhibaato jirto.

- Advertisement -

Taliyaha Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM, Sarreeye Guuto Saam Kanuma ayaa sheegay inay waayeen Sarkaal halyeey ah, balse ay ka tusaale qaadan doonaan waxqabadkiisa.
Si kastaba ha ahaatee Sarkaalka geeriyooday ee Gaashaanle Denis Okech Okello oo  40-jir ahaa, waxa uu ka tegay xaas iyo shan carruur ah.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts