HomeWararBeelaha wada deggan Goballadda Dhexe oo badankooda aqbalay Shirka Ahlu-sunna ee...

Beelaha wada deggan Goballadda Dhexe oo badankooda aqbalay Shirka Ahlu-sunna ee lagu qabanayo Dhuusa-mareeb

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Afhayeenka Beesha Wacaysle ee ku sugan Degmadda Cadaado, Muxiyaddiin Cali Jimcaale “Jakuula” ayaa sheegay inay ka qeyb galayaan Shirka ka ay Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-kameeca dhawaan u qabanayso Beelaha wada deggan Goballadda Dhexe. Afhayeenka oo galabta la hadlay Radio Dalsan waxa uu tilmaamay in inta badan Beelaha wada deggan Goballadda Dhexe lagu casuumay Shirkaasi oo […]

- Advertisement -

Afhayeenka Beesha Wacaysle ee ku sugan Degmadda Cadaado, Muxiyaddiin Cali Jimcaale “Jakuula” ayaa sheegay inay ka qeyb galayaan Shirka ka ay Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-kameeca dhawaan u qabanayso Beelaha wada deggan Goballadda Dhexe.

Afhayeenka oo galabta la hadlay Radio Dalsan waxa uu tilmaamay in inta badan Beelaha wada deggan Goballadda Dhexe lagu casuumay Shirkaasi oo dhawaan ka furmi doono Dhuusa-ma-reeb, isla markaana ay ka tashan doonaan Mustaqbalkooda.

- Advertisement -

Mar wax laga weydiiyey sababaha ay u qoonsadeen Shirweynaha Cadaado, waxa uu carrabka ku dhuftay in faragelin toos ah lagu hayo Hawlaha Shirka, isla markaana aysan Ergooyinka u madax bannaanayn inay si gaar ah u dhistaan Dowlad-gobaleed loo wada dhan yahay.

“Dowladda Federalka ayaa faragelin toos ah ku haysa, Xildhibaanadda ayaa iyagana faraha kula jira Shirka Cadaado, waxaa la dhihi karaa Shirka waa mid Dowlad Dowlad kale dhisayso, Faragelintuna waa Kun Faragelin” ayuu yiri Afhayeen Jakuula.

Sidoo kale, Afhayeenka Beesha Wacayle ee ku sugan Degmadda Cadaado, waxa uu carrabka ku dhuftay inay Burcad-dhaqameedyo boobeen doorkii Odayaasha Dhaqanka Beelaha ee Rasmiga ahaa, wuxuuna ku eedeeyey inay minjixaabiyeen habsami-u-socodka Shirka Cadaado.

- Advertisement -

Afhayeenka waxa uu Wareysigiisa Khaaska ee uu siiyey Radio Dalsan ku xusay inay Odayaasha Rasmiga go’aansadeen inay ku biiraan Shirka dhawaan ka furmi doono Dhuusa-ma-reeb oo ay Ahlu Suna gogosheeda dhigtay.

Mar wax laga weydiiyey inuu carabaabo Beelaha ka qeyb galayo Shirka Dhuusa-mareeb, waxa uu xusay in 8 ka mid ah Beelaha ugu weyn kuwa degga Goballadda Dhexe ka qeyb galayaan Shirkaasi, wuxuuna magac dhabay Beelaha Wacaysle, Cayr, Marayxaan, Murusade, Sacad, Saleebaan, Duduble, Shiikhaal  iyo Dir.

Si kastaba ha ahaatee, Ergooyinka Beelaha saluugsan Shirkii Cadaado, ayaa waxay sheegeen inay geeddi u yihiin Shirka ka furmi doona magaalladda Dhuusa-mareeb, isla markaana ay qaadaceen Shirka Cadaado ee heerka gebagebada marayo.

© Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories