HomeWararSomalia oo kaalinta koowaad ka gashay Dowladaha ku caan baxay Laaluushka...

Somalia oo kaalinta koowaad ka gashay Dowladaha ku caan baxay Laaluushka iyo Musuqa Baahsan

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Hay’adda Caalamiga ee Verisk Maplecroft ee  dabagalka ku samaysa Dowladaha ku sifoobay Maamul-xumidda iyo Musuqa  ayaa dhaawaan soo saartay Warbixinta Sannadlaha, taasi oo lagu soo bandhigay 10-ka Dowladooda ee figta sare ka galay Musuqa Caalamka.

Warbixintan ayaa lagu soo bandhigay 198 waddan, kuwaasi oo qiimeyn lagu sameeyey sida ay ugu kala horreeyaan dhinaca Maamul-xumida iyo Isticmaalka Laaluushka iyo Musuqa.

Hay’adda Verisk Maplecroft waxay sheegtay inay raad-raacyo  soo taxnaa bishii August ee sannadkii 2012-kii ilaa Augsut 2014-kii ku garwaaqsadeen inay Dowladaha caalamka ku kala heer duwan yihiin Laaluushka iyo Musuqa.

Warbixinta oo aysan Madax badan jeclaysanin ayaa lagu sheegay inuu dalka Somalia kaalinta Koowaad kaga jiro dalalka uu ka jiro laaluushka iyo  musuqa baahsan.

Wargeysyadda Wall Journal Street ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa qoray in 80% Lacagaha soo gala Bangiga Dhexe ee Somalia yihiin kuwo jeebka lagu shubto, loona adeegsado Danno Shaqsiyadeed, waa sida uu Wargeyska WSJ daabacay.

Wargeyska waxa kaloo uu qoray inaan Hantida Qaranka ee Somalia  lagu maalgelinin wax Mashaariic Xukuumadeed, balse kayd ahaan loo dhigto Bangi kale oo uusan Wargeysku shaacinin.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Hay’addo Caalami ah ku sifeeyaan Somalia inuu safka hore kaga jiro dalalka ugu musuqa badan Caalamka, waxayna Beesha Caalamka horey saluug xooggan uga muujiyeen gacan-bidixeysiga Kaalmooyinka loogu deeqo Somalia.

Dhinaca kale, Dowladda Federalka Somalia waxay had iyo jeer gaashaanka ku dhuftaan Warbixinaddaasi, kuna tilmaamaan in looga dan leeyahay Fadeexad wax looga dhimayo Waxqabadka Dowladda.

© Warqabadka Radio Dalsan

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories