HomeWararKanada oo mar kale la soo taagay Eedeysane Somali loo haysto Afduubkii...

Kanada oo mar kale la soo taagay Eedeysane Somali loo haysto Afduubkii Suxufiyiin horey loogu afduubtay Somalia

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Eedeysane Ali Omar Adeer oo 37 jir ayaa mar kale Video ahaan uga soo muuqday Maxkamad ku taalla caasimadda dalka Kanada ee Ottawa, isagoo ku eedeysan afduubkii Saxafiyad u dhalatay dalka Kanada oo lagu magacaabo  Amanda Lindhout.

Eedeysanaha oo 37 jir ah ayaa ka soo muuqday Muuqaalka Video-ga, isagoo xiran labiska maxaabiista, isla markaana gacmaha ka jeebedeysan.

Garyaqaankiisa, Samiir Aadam ayaa codsaday in la siiyo Tiddobaad kale, si ay isaga iyo Eedeysanaha uga xaajoodaan caddaymaha Kiiskiisa oo ay Boliska hayaan.

Garyaqaanka waxa kaloo uu sheegay inuu doonayo in Turjumaan loo qabto Eedeysanaha oo aan ku hadli karin Luqadda Englishka.

Eedeysane Ali Omar Adeer ayaa la filayaa in Maxkamad mar kale la soo taago bishan June 26-da, waxaana haatan uu ku jiraa gacanta Boliska, iyadoo lagu hayo Xarunta dadka lagu hayo ee  The Ottawa-Carleton Detention Centre.

Eedeysanaha waxaa bishan June 11-dii lagu xiray Graoonka diyaaradaha ee caasimadda dalka Kanada ee Ottawa, iyadoo lala xiriirinayo Afduubkii Saxafiyad u  dhalatay dalalka Kanada, Amanda Lindhout. iyo Suxufi u dhashay dalka Australia oo lagu magacaabo Nigel Brennan.

Suxufiyiinta waxa bishii August ee sannadkii 2008-dii laga afduubtay duleedka magaalladda Muqdisho, waxayna Afduubayaasha si idaayeen 15 bilood kadib, markii la bixiyey lacag madax furasho oo la sheegay inay dhamayd 600,000 oo Dollars.

© Warqabadka Dalsan Radio

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories