HomeWararSomalia oo laga soomo saacadaha ugu yar Dunida Carabta

Somalia oo laga soomo saacadaha ugu yar Dunida Carabta

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Iyadoo ay Bisha barakaysan ee Ramadaan foodda nagu soo hayso Insha Allaahu ayaa waxay Muslimiinta ku nool daafaha Caalamka soomaan saacado kala duwan. Waddamadda Europe ayaana la sheegaa inay saacado badan soomaan. Miisaal ahaan Koonfurta dalka Britain waxaa la sheegaa in la sooman yahay ku-dhawaad 16 saacadood ama in ka badan. Marka la aado Waqooyiga […]

- Advertisement -

Iyadoo ay Bisha barakaysan ee Ramadaan foodda nagu soo hayso Insha Allaahu ayaa waxay Muslimiinta ku nool daafaha Caalamka soomaan saacado kala duwan.

Waddamadda Europe ayaana la sheegaa inay saacado badan soomaan.

- Advertisement -

Miisaal ahaan Koonfurta dalka Britain waxaa la sheegaa in la sooman yahay ku-dhawaad 16 saacadood ama in ka badan.

Marka la aado Waqooyiga Britain,  tusaale ahaan magaalladda Aberdeen oo in ka badan 500 miles Waqooyi kaga toosan magaalladda London waxa uu iftiinka maalmeedka dhamaadaa ku-dhawaad 18-saacadood inta lagu guda-jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Sidoo kale, Waqooyiga Europe, gaar ahaan Waqooyiga Fog ee dalka Sweden, qorraxda waxaa laga yaabaa in maalintii oo dhan la arko dhowr saacadood, haddii aanba la arkin.

- Advertisement -

Degmadda Kiruna oo ku taalla Waqooyiga Sweden,marna qorraxda ma dhacdo bishan ilaa laga gaarayo bisha August.

Haddaba, haddaynu u soo laabano Dalalka Carabta, waxa la sheegay in dalka Algeria oo ku yaalla Waqooyiga Afrika  laga soomo  xilliga ugu  dheer ee guud ahaan Waddamadda Carabta ee ku kala yaalla Qaaradda Afrika iyo Gacanka Carbeed.

Shaxda Waddamadda Carabta sida loogu soomo ayaa waxay muujinaysaa inuu dalka Somalia yahay Waddanka ugu saacadaha yar ee xilliga Soonka.

Waxaana laga soomaa 13 saacado iyo 20 daqiiqo.

Halkan ka dheeho Waddamadda Carabta iyo saacadaha laga soomo bisha Ramadaan:- 

SAACADAHA RAMADAANKA EE DALALKA CARABTA

qorrax

AFURKA

Xigasho:- المصري اليوم

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

Latest stories