HomeWararDowladda Sacuudiga oo Maxjarka caafimaadka xoolaha ka dhisayso Dekedda Berbera ee W/galbeed...

Dowladda Sacuudiga oo Maxjarka caafimaadka xoolaha ka dhisayso Dekedda Berbera ee W/galbeed Somalia

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Sida lagu soo daabacay Wargeyska Alyoom ee ka soo baxa dalka Sacuudiga waxay Wasaaradda Beeraha ee Sacuudiga oggolaatay in Maxjar laga dhisao Dekedda Berbera oo lagula soconayo caafimaadka xoolaha nool ee loo dhoofinayo Sacuudiga. Maxjarkaasi ayaa la sheegay inuu noqon doono mid KMG oo ay hawlihiisa socon doonaan muddo lix bilood oo keliya, laga bilaabo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sida lagu soo daabacay Wargeyska Alyoom ee ka soo baxa dalka Sacuudiga waxay Wasaaradda Beeraha ee Sacuudiga oggolaatay in Maxjar laga dhisao Dekedda Berbera oo lagula soconayo caafimaadka xoolaha nool ee loo dhoofinayo Sacuudiga.

Maxjarkaasi ayaa la sheegay inuu noqon doono mid KMG oo ay hawlihiisa socon doonaan muddo lix bilood oo keliya, laga bilaabo bishan Shacbaan 1-da ee sannadka 1436 Hijriyah.

- Advertisement -

Wargeyska waxa uu qoray in Maxjarkaasi damaanad qaadi doono faya-qabka Xoolaha nool ee loo soo dhoofinayo Sacuudiga.

Dhinaca kale, Boqorka dalka Sacuudiga, ahna Qaadumka Labada Xararm ee Shariigaynka, Boqor Salmaan Bin Abdiaziz Al-sacuud ayaa ansixiyey Kharaj loogu talagalay in dadka Soomaalida iyo kuwa u dhashay dalka Syria la siiyo bisha barakaysan ee Ramadaan ee bilan doonta bishan June 18-da.

War qoraal ah oo ay baahisay Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA, ayaa lagu sheegay in La-taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha, ahna Madaxa Ololaha Samafalka ee Sacuudiga, Dr. Saciid Al-carabi Alxarthi ayaa faahfaahiyey miisaaniyadda loogu talagalay Kharajka Afurka ee loo qoondeeyey in lagu afuriyo dadka soomaan ee dalalka Somalia iyo Syria.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay in loo qoondeeyey lacag dhan Hal billion, kow iyo afartan milyan, saddex boqol iyo siddeed kun iyo konton iyo toddobo Riyaal (1,41.308.057).

Kaalmadaasi Samafalka ayaa loogu talagalay inay ku afuraan dadka Soomaalida iyo kuwa Suuryaanka ee dhibaataysan.

Wxaaa kaloo kharajkaasi loogu talagalay in lagu sameeyo 176 Barnaamijyo Samafal iyo mid Aadminimo, oo ay ku jiraan  caafimaad, waxbarasho iyo dhismaha hoy.

Xigasho: Alyaum.com iyo SPA.

© Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts