HomeWararFAALLO:- Ha loo gurmado Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Dhexe

FAALLO:- Ha loo gurmado Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Dhexe

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Guux hoosaadka harreeyey Ergooyinka Shirka loogu gogol-xaarayo Maamul-u-samaynta Goballadda Dhexe,  dhaliisha loo jeedinayo Guddiyadda Farsamadda ee la iska feer qotominayo iyo Ergooyinka Beelaha ee saluugga xooggan muujinaya ayaa waxay muujinayaan Farriimo aan indhaha laga qabsan karin. Caqliga wanaagsan ayaa dareemi kara inay khilaafyadaasi iyo saluugaasi horseedi karaan inuu Shirka madhalays noqdo, isla markaana ay shiiqmaan […]

- Advertisement -

Guux hoosaadka harreeyey Ergooyinka Shirka loogu gogol-xaarayo Maamul-u-samaynta Goballadda Dhexe,  dhaliisha loo jeedinayo Guddiyadda Farsamadda ee la iska feer qotominayo iyo Ergooyinka Beelaha ee saluugga xooggan muujinaya ayaa waxay muujinayaan Farriimo aan indhaha laga qabsan karin.

Caqliga wanaagsan ayaa dareemi kara inay khilaafyadaasi iyo saluugaasi horseedi karaan inuu Shirka madhalays noqdo, isla markaana ay shiiqmaan Hanka lagu doonayey inay dadka deggan Goballadda Dhexe doortaan Maamul-gobaleed ay ku mideysan yihiin.

- Advertisement -

Xaqiiq ahaan, waxaa tuhunno badan laga qabaa Musharixiinta, Ergooyinka Shirka iyo dhexdhexaadnimadda Dowladda Federalka ee qabsoomidda Shirkasi.

Gurxanka taagan ayaana muujinaya inay jiraan xaalladdo badan oo lagu sifeyn karo kuwo muujinaya ismaan-diidka Ergooyinka ka qabaan Guddiga Farsamadda ee ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federalka u xil-saareen Taabgelinta Shirkaasi.

Rug-caddaayaasha Dhaqanka oo iyagu ahaa Marjacii iyo Xeer-beegtidda Dhaqanka Ummadda ayaa saluug weyn ka qaba doorkooda iyo mudnaanta ay ka leeyihiin Hoggaaminta Shirkaasi.

- Advertisement -

Waa hubaal Odayaasha Dhaqanka kuma tallax tagaan inay si bareer ah wax u mucaaradaan, balse hadaladooda kooban ayaa noqonaysa Farriin looga baahan yahay Dowladda Federalka inay dhega furan ku maqlaan, isla markaana aysan baylihinin Fursaddaha Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo iyagu lagu xusuusto inay udub dhexaad u yihiin Dhismaha Dowladda Federalka iyo Xulashadda Madaxda Qaranka, siiba kuwa ay haatan saluugsan yihiin.

Xeeldheerayaasha Siyaasadda ayaa iyagana rumeysan inay Siyaasiyiinta iyo Musharixiinta ku sugan Madasha Shirka Cadaado qeyb ka yihiin calawga ka taagan Qabsoomida iyo Taabagelinta shirkaasi.

Waa hubaal inay Siyaasiyiinta ay si xeelladaysan wax u jalaafi karaan, marka ay danahooda ka waayaan Masraxa Siyaasadda iyo Madal kasta oo Maamul lagu dooranayo.

Markaynu doc kasta ka qiimeeyno Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Dhexe waxaa la dareemi karaa inay jiraan sababo horseedi kara inuu qarka u saarmo in lagu kala tago ama ugu yaraan ay Ergooyinka Beelaha kalsoonida kala noqdaan Maamulka cusub ee Goballadda Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, Shirka Cadaado ayaa u muuqda mid haadaan ka laalaado, loona baahan yahay in loo wada gurmado, waxayna xaajadda Shirkaasi  la barbar dhigi karaa Maahmaahdii Soomaaliyeed ee Hashan wey iga maajisee, ma masaar bay liqday.

WQ; Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

 

Latest stories