HomeWararMaraykanka oo Mashaariicda Tamarta Cagaaran kula dagaalami doona Alshabaabka Somalia

Maraykanka oo Mashaariicda Tamarta Cagaaran kula dagaalami doona Alshabaabka Somalia

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Sida lagu soo daabacay Shabakadda Wararka ee wnd.com waxa uu Maamulka Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama danaynayaan sidii deganaansho buuxda loogu soo celin lahaa Somalia oo ay saldhig ku leeyihiin Dagaalyahannadda Alshabaab oo bishii hore weerar ka geystay Jaamacadda Garissa ee W/bari Kenya. Dowladda Maraykanka ayaa dejisay qorshe lagu dhiirigelinayo Maalgelinta Somalia, iyadoo dib loo cusbooneysiinayo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sida lagu soo daabacay Shabakadda Wararka ee wnd.com waxa uu Maamulka Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama danaynayaan sidii deganaansho buuxda loogu soo celin lahaa Somalia oo ay saldhig ku leeyihiin Dagaalyahannadda Alshabaab oo bishii hore weerar ka geystay Jaamacadda Garissa ee W/bari Kenya.

Dowladda Maraykanka ayaa dejisay qorshe lagu dhiirigelinayo Maalgelinta Somalia, iyadoo dib loo cusbooneysiinayo Horumarinta Tamarta.

- Advertisement -

Dowladda Maraykanka waxay  kireysanayaan Qandaraaslayaal kala taliya Dowladda Federalka Somalia sidii loo dhisi lahaa Hay’addo Dhaqaale “Economic Foundation”.

Shabakadda Wararka ee WND oo aragtay Dukuemntiga Qorshaha Maraykanka ee Somalia ayaa daabacday in Mashruuca Cagaaran  loogu talagalay in lagu horumariyo Beeraha iyo Kalluumeysiga Somalia iyo in la abuuro Mashaariic ay ka faa’ideysan karaa Ganacsatadda heerka hoose iyo kuwa heerka dhexe.

Haweeneyda Afhayeenka u ah Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka, Marie Harf ayaa sheegtay in Mashruucyadda shaqo abuurka ee Somalia gacan ka geysan karaan sidii xididada loogu siibi lahaa Alshabaab, waa sida ay hadalka u tiri.

- Advertisement -

Mashruucaasi oo ay fulin doonto Hay’adda Maraykanka ugu qaabilsan Kaalmooyinka ee US AID ayaa waxa uu hadafkiisu yahay xaqiijinta wax-soo-saarka, shaqaalaynta iyo Dakhliga ee dadka Soomaaliyeed.

Xigasho:- www.wnd.com

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts