HomeWararAmbassador Ali Ameriko oo ugu baaqay Kenyaatiga inaysan Soomaalida ku asteeynin Argagixiso

Ambassador Ali Ameriko oo ugu baaqay Kenyaatiga inaysan Soomaalida ku asteeynin Argagixiso

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Danjiraha Dowladda Federalka Somalia ee Kenya ee xilka ka sii degayo, Ambassador Mohamed Ali Nuur “Ameriko” oo ah Danjirihii ugu waqtiga dheer ee  Somalia wakiil uga ahaa Kenya ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu maanta siiyey Wargeyska The Standardmedia ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, wuxuuna sheegay in weeraradda ay Alshabaab geystaan loo fasirin mid ay dadka Soomaaliyeed wada geysteen.

“Mararka qaarkooda waxaan ku arkaa Warbaahinta oo marka ay wax ka dhacaan Kenya sheegayo inay Soomaalida falkaasi geysteen” ayuu yiri Ambassadorka, oo intaasi ku daray  inaysan sax ahayn in Soomaalida oo dhan lagu asteeyo falalka ay Alshabaab geystaan.

Diplomaasigu waxa uu tilmaamay inay Dowladaha Somalia iyo Kenya ku mideysan yihiin La-dagaalanka Alshabaab, wuxuuna intaasi ku daray inay labada Waddan leeyihiin caddow guud, loona baahan yahay in loo midoobo dagaalladaasi, waa sida uu hadalka u yiri.

Danjire Ameriko, waxa uu Dowladda Kenya uga mahad celiyey sida ay u qaabileen Nus Malyanka Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Xerooyinka Qaxootiga ee W/bari Kenya iyo kaalinta ay Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ee dagaalladda kula jira  Xarakadda Alshabaab.
Dhinaca kale, Ambassador  Ali Ameriko oo tan iyo sannadkii 2007-dii ahaa Safiirka Somalia u jooga Kenya ayaa sheegay inuusan weli go’aan ka gaarin Xilka soo socda ee uu qaban doono,

Waxa uu xusay inuu dhawaan ku soo laaban doono Muqdisho, si uu Kulamo Dib-u-heshiisiin ah ula yeesho Ururradda Bulshadda iyo Qurbo-joogta.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira warar sheegaya inuu Ambasaador Mohamed Ali Ameriko rajo ka qabo inuu isku soo taago doorashadda Madaxtinimadda ee lagu wado in la qabto sannadka soo socda.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories