HomeWararWasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo sagootiyay diblomaasiyiin lagu tababari doono dalka Kenya

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo sagootiyay diblomaasiyiin lagu tababari doono dalka Kenya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Ahmed Ali Mohamed “ Kadiye” ayaa maanta ku sagootiyay Qeybta VIP ee garoonka diyaaradaha Muqdisho illaa iyo 9 shaqaale oo ka tirsan Wasaaradda oo loo tababarayo habmaamuuska iyo diblomaasiyadda .

Tababarka oo ay ku deeqday dowladda Kenya, kana socon doona muddo 10 cisho ah Magaalada Mombasa ayaa la filayaa in da’yarta diblomaasiyiinta ka tirsan Wasaaradda ay ka faa’ideysan doonaan casharada iyo tilmaamaha la siin doono .

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa uga mahad-celiyay dowladda Kenya deeqda tababarkaasi , isagoo rajeeyay in tababaro kale oo diblomaasiyadeed ay Wasaaradiisa ka heli doonto dowlado iyo Ururo caalami ah .

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa ku howlan dardar-gelinta  habsami u socodka shaqada diblomaasiyadeed, tayeynta iyo sare u qaadida heerka aqoon ee diblomaasiyiinteeda, taasoo horumarin doonta waxqabadka Wasaaradda.

DSC07865 DSC07871 DSC07874 DSC07885 DSC07886 DSC07887 DSC07888

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda 
Section of Press and Public Relations

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories