HomeWararGolaha Wasiiradda oo Maanta Kulmay+Warsaxafadeed

Golaha Wasiiradda oo Maanta Kulmay+Warsaxafadeed

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...
Page1

War-Saxaafadeed

RW. Cumar ayaa maanta furay kulan soconaya labo maalmood oo looga doodayo qorsha xukuumadda ee 100-ka maalmood

Muqdisho, 15, Marso, 2015…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, ayaa maanta furay kulan ay isugu yimaadeen golaha Wasiirada kaas oo socon doona mudo laba maalin ah, waxaana looga hadlayaa qorshaha mudnaanta koowaad u leh xukuumadda ee 100-ka maalmood soo socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in u jeedka laga leeyahay kulankaan ay tahay dar-dar galinta iyo isku xirka howlaha xukuumadda iyo in la xaqiijiyo adeegyada ay xukuumadu gaarsiinayso shacabka kuwooda ugu muhiimsan, sida nabada ku soo dabaalida dalka, dib u heshiisiinta, adeegyada asaasiga u ah bulshada, dhamaystirka maamul-u-samaynta gobollada iyo kobcinta dhaqaalaha.

“Kulankaan ay isugu yimaadeen golaha wasiiradda waa mid soconaya laba maalmood, waxaana laysla meel dhigayaa dar-dar galinta howlaha xukuumadda, waxaana wasiiradu ka doodayaan waajibaadkii ay ku shaqayn lahaayeen 100-ka maalmood ee soosocda, waxaana dajinaynaa qorshe lagu qiimaynayo wax qabadkooda, taas oo cadayn u ah inuu jiro isla xisaabtan aan ku wargalinayno shacabka hadba meesha wax marayaan”

“Hadafkeenu waa inaan gaarno xasillooni siyaasadeed iyadoo aan u marayno tanaasul, is af garad iyo ka hortag inuu abuurmo khilaaf. Qorshaha boqolka maalmood waa inaan horseedno sidii aan u asaasi lahayn madal wadatashi ku dhisan oo isku keenta dhamaan qaybaha kala duwan ee bulashada, arintaan waxaa kaalin buuxda ka qaadanaya sidii laysugu duba ridi lahaa guddi golaha wasiirada ah”

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu garwaaqsan yahay iney jiraan caqabado dhanka dhaqaalaha iyo duruufo adag oo lagu shaqaynayo, isla markaan ay xukuumadda ka go’an tahay wax qabad iyo in laga soo baxo fulinta qorshaha boqolka maalmood, una soo gudbino shacabka wax qabad la taaban karo.

Ugu danbayntii Ra’iusl Wasaaraha ayaa xusay in howlaha ugu waaweyn ee lagu gaari karo xaqiijinta higsiga cusub ay ugu horeeyaan adkaynta amniga, dhamaystirka dowlad goboleedyada, dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, iyo dhisida gudiyada ay baarlamaanku ansixyeen sida gudiga doorashooyinka.

—-DHAMAAD—-

Ahmed-nur Mohamed
Waaxda Warfaafinta
Muqdisho, Soomaaliya
media@opm.gov.so

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories