HomeWararCiidamada Badda Talyaaniga oo bad baadiyay 941 Muhaajiriin ah

Ciidamada Badda Talyaaniga oo bad baadiyay 941 Muhaajiriin ah

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Warbixin lagu qoray wargeyska the Guardian, ee dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in 10 ruux ay geeryoodeen halka 941 ruuxna ay ciidanka badda dowlada Talyaniga ay kasoo badbaadiyeen koonfurta badda Mediterranean-ka.

Sidoo kale warbixinta ayaa muujineysa in dadkaasi ay doonayeen in ay galaan wadanka Talyaaniga,iyagoona ciidanka badda talyaaniga uqeyla dhaamiyay iyagoo ku sugan meel biyaha dalka Libiya koofur kaga aadan 50 Miles.

Howgallada ciidanka badda Talyaanig, ayaa sidoo kale qeexaya in dhoor jeer oo is xig-xiga ay ciidanka badbaadintaasi sameyeen tan iyo maalintii shalay.

24 kii saac ee lasoo dhafay ayaa waxaa tirada dadka lasoo badbaadiyay lagu sheegay 941 ruux, waxaa ku jiray 30 carruur ah iyo 50 dumar ah.

Bishii aan kasoo gudubnay ayaa waxaa ciidanka badda Talyaaniga iyo kuwa Midowga yurub ay sheegeen in ay geeryoodeen 300 oo muhaajiriin ah kuwaas oo kasoo baxay wadamada Africa.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories