Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ku shiray Muqdisho,kuwaas oo ka soo horjeeda mooshinka laga gudbiyey gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in weli ay taagan tahay xiisadii ka dhalatay mooshinkii laga gudbiyey Jawaari,waxa ayna ku dhaliileen Madaxweyne Farmaajo in kulankii Sabtida ee Golaha Shacabka kaliya uu hakiyey balse uusan waxkale soo kordhin.
Xildhibaan Axmed Macalin fiqi oo u hadlayay xildhibaanada ayaa Waxa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed mudo 5 cisho ah Waqtiga laga dhumiyey laakin aan waxba ku soo kordhin,kadib markii Madaxweyne farmaajo uu indhaha ka fureystay xiisada taagan sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sidoo kale ku eedeeyey gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya in waxa uu doono uu sameysanayo isaga oo sheegtay in uu yahay kusimaha gudoomiyaha Golaha Shacabka,taas bedelkeedana laga doonayo Madaxweyne Farmaajo in uu amar deg deg ah bixiyo hadii uu dalka Madaxweyne ka yahay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.