HomeWararSawirro:-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Peter De Clercq

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Peter De Clercq

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Mohamed Gulleid ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Peter De Clercq oo ah ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna Isku-Duwaha Hawlaha Gargaarka Aadaminimo ee Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi iyo Peter ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira abaaraha ka jira Dalka iyo xaaladaha guud ee Mandaqadda iyo sidii loo sii xoojin lahaa mashaariicda horumarineed ee UN-ku ka fuliyaan Soomaaliya.

Peter ayaa Ra’iisal wasaare ku-xigeenka warbixin ka siiyay hawlaha Gargaarka Aadaminimo ee Qaramada Midoobay ka fuliyaan gudaha dalka iyo inay gaadhaan meelihii loogu talo Galay.

Kulankan oo qaatay muddo saacado ah ayaa markii uu soo dhamaaday waxa Warfidiiyeenka warbixin kooban ka siiyay R/W Xigeenka dalka Avv. Mahdi Mohamed Gulleid.

”Ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna Isku-Duwaha Hawlaha Gargaarka Aadaminimo ee Soomaaliya Peter DeClercq ayaanu kulanay. Waxaannu kawada hadlay xaaladaha abaaraha ee soo noqnoqday sidii wax looga qaaban lahaa iyo inay xoojiyaan taageeradooda dhinaca gargaarka Aadanaha,”Ayuu yiri mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Sidoo kale,Ra’iisal wasaare ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Kullankan oo ahaa mid aad muhiim inoogu ah waxan kaloo kala hadlay masuulkaasi rabitaanka Dawladda Federaalku ku baadigoobayso siddii aanu u sugi lahayn inay gaaraan dadkii loogu talogalay iyo in si sax loo fuliyo mashaariicda iyo dhamaan deeqaha iyo caawimooyinka dunidda aynu ka helo. Kulankaasi wuxu noogu soo dhamaaday si wanaagsan wuxuuna qayb ka yahay Dedaalada Dawlad ahaan aanu ku doonayno Dawlad wanaag & Cadaalada bulshadeena wada deeqda.”​

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories