Xubnaha Cusub ee Golaha Wasiirada Puntland ayaa Maanta markii ugu horeysay  yeelanaya kulankoodii ugu horeeyay,waxaana shir gudoomin doona Cabduweli Maxamed Cali Gaas,madaxweynaha Puntland.
Kulanka ayaa la filayaa in Wasiirada Puntland ay Maanta diirada ku saaraan Xiisada ka taagan gobolada Sool iyo Sanaag ee u dhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland taas oo la xiriirta arimaha doorashooyinka Soomaaliland,iyo sidoo kale kobcinta dhaqaalaha puntland.
Kulanka markii uu soo gabagaboobo ayaa la filayaa in war qoraal ah ay ka soo saaraan oo ku aadan xaaladda deeganada Maamulkaasi Puntland.