HomeWararNISA oo sheegtay in ay qabatay shabakad ka tirsan Al-Shabaab

NISA oo sheegtay in ay qabatay shabakad ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

NISA oo sheegtay in ay qabatay shabakad ka tirsan Al-Shabaab

- Advertisement -
- Advertisement -

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay shabakad argagixiso oo ka tirsan Al-Shabaab, kana kooban shan 5 xubnood, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen in si qarsoodi ah u soo galaan magaalada Muqdisho si ay uga fuliyaan falal amni-darro.

War rasmi ah oo ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in hay’addu ay muddo si dhow ula socotay dhaqdhaqaaqyada shabakaddan iyo dhagaraha ay maleegayeen, kaddibna lagu guuleystay in hawlgal qorsheysan lagu soo qabto xubnahaasi.

- Advertisement -

Sidoo kale, NISA waxay sheegtay in hawlgalka lagu soo qabtay noocyo kala duwan oo qaraxyo ah, hub iyo gaadiid, kuwaas oo la tuhunsan yahay in loo diyaarinayay fulinta weerarro argagixiso oo lagu beegsan lahaa caasimadda.

Hay’addu waxay mar kale adkaysay go’aankeeda ku aaddan ka hortagga iyo ciribtirka khataraha amni ee ka imaanaya Al-Shabaab, iyada oo xustay in ay sii wadi doonto howlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts