HomeWararAl-Shabaab oo Carruurta Askareynaaya, Dhalinyaradana Marin-habaabinaya

Al-Shabaab oo Carruurta Askareynaaya, Dhalinyaradana Marin-habaabinaya

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Waxaa xoogeysanaya askareynta carrruurta yaryar ee kooxda Alshabaab & sida ay maskax ahaan u qiyaamaynayaan dhalinyarada iyaga oo arrimo diin ugu hoos dhuumanaya . Dalsan Media oo booqatey dugsiga lagu tiiraanya bixiyo dhalinyarada ka soo goosata fikirka xagjirnimada ah ee kooxda Alshabaab ee Sarindi ayaan waxaan ku aragnay dhalinyaro d’adoodu aad u yartahay . Waxay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa xoogeysanaya askareynta carrruurta yaryar ee kooxda Alshabaab & sida ay maskax ahaan u qiyaamaynayaan dhalinyarada iyaga oo arrimo diin ugu hoos dhuumanaya . Dalsan Media oo booqatey dugsiga lagu tiiraanya bixiyo dhalinyarada ka soo goosata fikirka xagjirnimada ah ee kooxda Alshabaab ee Sarindi ayaan waxaan ku aragnay dhalinyaro d’adoodu aad u yartahay .

Waxay ka sheekeeyeen xaaladihii adkaa ee ay soo mareen & sida loo marin habaabiyay iyaga oo laga dhaadhiciyay inay jannada galayaan haddii ay dilaan gaalada & gaalo raaca wax loogu sheegay . Arinta aan aadka ula yaabay ka Ikraan ahaan waxay ahayd markii aan arkey dhalinyaro 15 jiro ah oo katirsanaa kooxda Alshabaab oo qaarkood lagu amrey iney soo dilaan waalidkooda sida Hooyadood & Aabayaashood .

- Advertisement -

Waa wax aan suuragal ahayn laakiin iyaga waxaa loo sheegay in haddii sidaas ay sameeyaan ay caddaanayso in aan looga cabsi qabin iney qiyaameeyaan haykalka shaqo ee ururka argagixiso ee Alshabaab . Dhammaan dhalinyarada aan wareystay waxay ii sheegeen in laga dhadhiciyay in haddii ay dhintaan iyagoo kooxda u dagaalamaya ay janada geliyaan islamarkaasna ay guursan doonaan gabdho qurux badan oo aan u dhigmin kuwa ay ku arkaan adduunka .

Waa xeelad maskax dhaqis ah balse Alshabaab u suuragashay dhowr jeer iney ku qaldaan dhalinyarada aan lahayn garaad ka celiya dhagarta argagixisada .

Waxaa looga guuleysan karaa in laga hortago arintan iyadoo sare loo qaadayo wacyigelinta dhalinyarada . Dowlada waxaa la gudboon iney mudnaan gaar ah siiso dhalinyarada islamarkaasna ay hirgeliso xarumo xirfado lagu baro da’yarta sidoo kalena la suurageliyo jawi shaqo .

- Advertisement -

Hadda waxaa ku jirta Sarindi in ka badan 400 oo dhammaantood ah dhalinyaro da’doodu ka hooseyso 18 sano waxayna tani ku tuseysaa in Alshabaab ay dhalinyaradu u isticmaaleyso sida dhuxushii oo kale .

Ikraan Ali Hashi /Dalsan .

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts