HomeWararQarax Miino oo Lagu Weeraray Kolonyo Ciidan oo Maraysay Duleedka Muqdisho

Qarax Miino oo Lagu Weeraray Kolonyo Ciidan oo Maraysay Duleedka Muqdisho

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Tareedisho, ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax miino oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa haleelay gaari ay la socdeen ciidamada Milateriga Soomaaliya. Sida ay ilo wareedyo sheegeen, inta badan ciidankii saarnaa gaarigaas ayaa ku dhintay qaraxa. […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Tareedisho, ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax miino oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa haleelay gaari ay la socdeen ciidamada Milateriga Soomaaliya. Sida ay ilo wareedyo sheegeen, inta badan ciidankii saarnaa gaarigaas ayaa ku dhintay qaraxa.

- Advertisement -

Warbixin horudhac ah ayaa xaqiijinaysa in saddex askari ay ku dhinteen qaraxa, oo uu ku jiro sarkaalka hoggaaminayay ciidankaas, kaasoo dadka deegaanka ay magaciisa ku soo koobeen Indhaceel. Waxaa sidoo kale ku dhintay wiil arday ahaa oo si lama filaan ah goobta ugu sugnaa xilliga qaraxa uu dhacay.

Dhacdadan ayaa imaanaysa maalmo un kadib markii weerarro kale oo dhimasho badan dhaliyay ay ka dhaceen duleedka Muqdisho. Maalin ka hor, sagaal qof oo shacab ah ayaa lagu dilay toogasho wadareed ka dhacday isla nawaaxiga magaalada.

Xaaladda amni ee gobolka ayaa weli kacsan, iyadoo weerarro noocaan oo kale ah ay kusoo badanayaan ciidamada iyo dadka shacabka ah. Illaa iyo hadda, mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya kama hadlin qaraxan ugu dambeeyay, hase yeeshee la filayaa in baaritaanno la sameeyo si loo ogaado cidda ka dambeysay weerarkan iyo tallaabooyinka amniga lagu xoojin karo.

- Advertisement -

Duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada aada deegaannada ku teedsan caasimadda, ayaa marar badan lagu bartilmaameedsaday ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS. Weerarradan oo u badan qaraxyo miino iyo weerarro gaadmo ah ayaa la rumeysan yahay inay fuliyaan dagaalyahannada Al-Shabaab, kuwaas oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya.

Gobolka ayaa muddooyinkii dambe la tacaalayay falal amni-darro oo sii kordhaya, taasoo caqabad ku noqotay dadaallada nabadeynta iyo sugidda amniga ee dowladda iyo hay’adaha amniga caalamiga ah.

Ikraan Cali Xaashi

Latest stories