HomeWararAl-Shabaab oo Xoog Ku Qoranaya Carruurta Gobolka Bay

Al-Shabaab oo Xoog Ku Qoranaya Carruurta Gobolka Bay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Warbixin ay soo saartay hay’adda Human Rights Watch ayaa muujisay in ururka Al-Shabaab uu kordhiyay qorashada qasabka ah ee carruurta ku nool gobolka Bay, taasoo keentay cabsi ba’an oo ay qabaan waalidiinta iyo odayaasha deegaanka. Tan iyo bartamihii 2017, Al-Shabaab ayaa si xoog ah carruur da’doodu u dhaxeyso 8 ilaa 15 jir uga qaatay deegaanno […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warbixin ay soo saartay hay’adda Human Rights Watch ayaa muujisay in ururka Al-Shabaab uu kordhiyay qorashada qasabka ah ee carruurta ku nool gobolka Bay, taasoo keentay cabsi ba’an oo ay qabaan waalidiinta iyo odayaasha deegaanka.

Tan iyo bartamihii 2017, Al-Shabaab ayaa si xoog ah carruur da’doodu u dhaxeyso 8 ilaa 15 jir uga qaatay deegaanno hoostaga Baydhabo, Buurhakaba iyo Berdaale, iyagoo u adeegsaday hanjabaado iyo afduub si ay uga dhigtaan askar yaryar.

- Advertisement -

Odayaasha deegaanka ayaa sheegay in bishii Sebtembar ee sanadkan, Al-Shabaab ay ku amreen inay carruurtooda ku wareejiyaan ururka, ama ay wajahaan ciqaabo adag. Qaar ka mid ah waalidiinta ayaa lagu xiray Buulo Fulay, halkaasoo la sheegay inay ku taallo xero tababar oo lagu carbiyo dhalinyarada la qasbo.

“Waxay naga dalbadeen in aan carruurteena u dhiibno, haddii kale waxay nagu hanjabeen in ay naga goyn doonaan sahayda nololeed,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha la hadlay Human Rights Watch.

Dhibaatooyinka ay la kulmayaan carruurta la qafaashay ayaa ka mid ah in la baro afkaar xagjir ah iyo in lagu tababaro dagaalka. Warbixintu waxay xustay in qaar badan oo ka mid ah caruurtaasi ay kasoo baxsadeen deegaannada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, halka kuwa kale ay waalidiintood la’ yihiin nolol iyo geeri toona.

Madaxa cilmi-baarista Afrika ee Human Rights Watch, Laetitia Bader, ayaa sheegtay in dadaallada Al-Shabaab ay yihiin kuwa si gaar ah u beegsanaya caruurta, taasoo horseedayso in boqolaal arday ay joojiyaan waxbarashadooda si ay uga fogaadaan in la qoro.

“Howlgalka ay Al-Shabaab ku qoranayaan carruurta waa mid si weyn u saameynaya nolasha qoysaska Soomaaliyeed, waalidiin badan ayaana go’aansaday inay caruurtooda ka qariyaan dugsiyada iyo tuulooyinka ay joogaan,” ayay tiri Bader.

- Advertisement -

Iyada oo xaaladda ay kasii dareyso, waalidiinta iyo dadka deegaanka ayaa ugu baaqay dowladda iyo beesha caalamka inay qaadaan tallaabo degdeg ah si loo badbaadiyo caruurta la afduubanayo, loona joojiyo ficillada bahalnimada ah ee lagu hayo qoysaska Soomaaliyeed.

Ikraan Cali Xaashi

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts