HomeWararSomaliland oo Maanta shaacisay Dad hor leh oo laga helay COVID-19

Somaliland oo Maanta shaacisay Dad hor leh oo laga helay COVID-19

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Maanta oo Isniin ah shaacisay inay diiwaan-gelisay dad hor leh oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, waxaana Cudurka u muuqdaa mid kusii faafaya deegaanada Maamulkaas. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Cudurka 24-kii saac ee ugu dambeeyay laga helay 19 qof, kuwaasi oo baaritaano […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Maanta oo Isniin ah shaacisay inay diiwaan-gelisay dad hor leh oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, waxaana Cudurka u muuqdaa mid kusii faafaya deegaanada Maamulkaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Cudurka 24-kii saac ee ugu dambeeyay laga helay 19 qof, kuwaasi oo baaritaano kala duwan lagu sameeyay, kadibna la ogaaday inay qabaan Cudurka.

- Advertisement -

Bukaanada Cusub ee laga helay Cudurka ayaa isugu jira 12 qof oo rag iyo 7 Dumar, kuwaasi oo laga diiwaan-geliyay Magaalada Hargeysa 18 qof iyo Gabiley oo ah 1 qof, isla markaana waxaa da’dooda ay u dhexeeysaa 19 sano jir ilaa 90 jir.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu xusay in xanuunka ay ka bogsaday 9 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay 73, kuwaasi oo  haatan xaaladooda Caafimaad ay wanaagsan tahay sida la sheegay.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Cudurka Coronavirus Somaliland ugu geeriyooday hal qof oo rag ah oo deganaa Magaalada Burco, da’diisuna aheyd 52 jir taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan halkaas u dhimatay 25 qof.

- Advertisement -

Somaliland ayaa wada dadaadlo kala duwan oo looga hortegayo faafida Cudurka COVID-19, waxaana Guddiga Somaliland u qaabilsan ka hortega Cudurka ay shacabka ugu baaqeen inay qaataan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts