HomeCaalamkaMareykanka oo dhammaan shaqaalihiisa kasoo daad-gureeyay Suudaan

Mareykanka oo dhammaan shaqaalihiisa kasoo daad-gureeyay Suudaan

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xalay sheegay in militariga Mareykanku ay soo afjareen daadgureynta shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Suudaan, wuxuuna ku baaqay in lasoo afjaro rabshadaha aan “mabda’a laheyn” ee halkaas ka dhacay, iyadoo laba hoggaamiye oo iska soo horjeeda ay ku loollamayaan awoodda Sudan. Biden ayaa u mahadceliyay ciidamada Mareykanka ee fuliyay howlgalkii lagu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xalay sheegay in militariga Mareykanku ay soo afjareen daadgureynta shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Suudaan, wuxuuna ku baaqay in lasoo afjaro rabshadaha aan “mabda’a laheyn” ee halkaas ka dhacay, iyadoo laba hoggaamiye oo iska soo horjeeda ay ku loollamayaan awoodda Sudan.

Biden ayaa u mahadceliyay ciidamada Mareykanka ee fuliyay howlgalkii lagu soo saarayay shaqaalaha Mareykanka ee ku suganaa Suudaan.

- Advertisement -

Daad-gureyntan, ayay Washington ku xirtay safaaradda Mareykanka ee Khartoum muddo aan la cayimin, waxaana shaqaalahan loo duuliyay meel aan la shaacin oo ku taalla Itoobiya, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah oo xog-ogaal u ah hawlgalkan.

Ciidamada Maraykanka ayaa hawlgalkan fuliyay, iyadoo dagaalkani uu u dhexeeyo laba taliye oo hubaysan – kaas oo lagu dilay in ka badan 400 oo qof, kaas oo Sudan galiyay halis burbur iyo cawaaqib xumo ka durugsan xudduudaheeda, waxaana uu dagaalkani galay toddobaad labaad.

Biden waxa uu sidoo kale u mahad celiyay Jabuuti, Itoobiya, iyo Sacuudiga oo gacan ay ka geystay howlgalka lagu soo daad-gureeyay shaqaalaha safaaradda Mareykanka.

- Advertisement -

Biden ayaa ku amray ciidamada Mareykanka inay daadgureeyaan shaqaalaha safaarada kadib markii uu talo soo jeedin ah ka helay kooxdisa amniga qaranka Sabtidii.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts