HomeCaalamkaNin hubeysan oo Carruur ku laayay Iskuul ku yaalla Gobol ka tirsan...

Nin hubeysan oo Carruur ku laayay Iskuul ku yaalla Gobol ka tirsan Dalka Mareykanka

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Nin hubaysan ayaa dilay ugu yaraan 19 carruur ah iyo laba qof oo waaweyn kadib markii uu xoog ku galay dugsi hoose oo ku yaalla gobolka Texas Talaadadii, waana weerarkii ugu dambeeyay ee dil bareer ah oo ka dhacay Maraykanka iyo toogashadii ugu xumayd ee dalkaasi ka dhacda muddo ku dhow toban sano. Eedeysanaha oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Nin hubaysan ayaa dilay ugu yaraan 19 carruur ah iyo laba qof oo waaweyn kadib markii uu xoog ku galay dugsi hoose oo ku yaalla gobolka Texas Talaadadii, waana weerarkii ugu dambeeyay ee dil bareer ah oo ka dhacay Maraykanka iyo toogashadii ugu xumayd ee dalkaasi ka dhacda muddo ku dhow toban sano.

Eedeysanaha oo 18-jir ah, oo sida muuqata ay Booliska dileen, ayaa sidoo kale toogtay Ayeeydiis kahor inta uusan ka baxsan goobta, kadibna uu shil ku galay gaarigii uu ka baxsaday , isagoo kadibna weerar dhiig badan ku daatay ka geystay Dugsiga Hoose ee Robb oo ku yaalla magaalladda Uvalde, ee gobolka Texas oo 130 km galbeedka kaga beegan magaalada San Antonio.

- Advertisement -

Sababta uu dilkan u geystay ilaa hadda ma cadda.

Sida uu Tv-ga CNN u sheegay Sergeant Erick Estrada oo ka tirsan Waaxda Badbaadada Dadweynaha ee Texas (DPS), ciidanka booliska ayaa arkay ninka hubaysan oo sidoo kale xiran difaaca jirka, kana soo baxay gaarigii uu shil ku galay, kadibna orod ku galay gudaha Iskuulka uu weerarka ka fuliyay.

Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad saacado kadib, ayaa madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo si muuqata ay dhacdadan saameysay ayaa ku booriyay dadka Mareykanka inay u istaagaan u ololeynta wax ka qabashada hubka Mareykanka ee ay ka dambeyso siyaasaddu, Biden ayaa amray in calanka Maraykanka hoos loo dhigo ilaa maalinta Sabtida ah, si loogu baroordiiqo carruurta la laayay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts