HomeWararRa’iisul Wasaare ku-xigeenka oo fariin u diray bahda Waxbarashada Dalka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo fariin u diray bahda Waxbarashada Dalka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ka qeyb galay munaasabadda Mahadnaqa Qorayaasha iyo Aaladeynta Manhajka Qaranka ayaa tilmaamay in sadexdii sano iyo barkii la soo dhaafay ay dowladda dadaal xooggan gelisay qorshaha qaran ee ku qotoma waxbarasha tayo leh oo ay helaan ubadka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa bahda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ka qeyb galay munaasabadda Mahadnaqa Qorayaasha iyo Aaladeynta Manhajka Qaranka ayaa tilmaamay in sadexdii sano iyo barkii la soo dhaafay ay dowladda dadaal xooggan gelisay qorshaha qaran ee ku qotoma waxbarasha tayo leh oo ay helaan ubadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa bahda Wax-barashada ku ammaanay dadaalka ay ku bixiyeen ka mira-dhalinta hiigsiga dowladda ee ku aaddan soo nooleynta waxbarasho ka tarjumaysa dhaqanka iyo baahiyaha aqooneed ee ummadda Soomaaliyeed.

- Advertisement -

“Maanta waxaa guul weyn ah in aan leenahay Manhajka Qaranka oo tayadiisu sarreyso ayna ka soo shaqeeyeen khubara Soomaaliyeed, dowladda waxa ka go’an hirgelinta qorshaha qaran ee ku aaddan horumarinta waxbarashada Dalka, waxaana caddeyn u ah kordhinta miisaaniyadda wax-barashada dalka  oo sanadkii 2017-kii ahayd 1.6% haatan aan gaarsiinnay 8%, iyadoo qorshaha 2021 uu yahay in aan sii kordhino miisaaniyadaas oo ay gaarto 11%”.

Mahdi ayaa dhiirrigeliyay horumarrada laga gaaray dhinaca waxbarashada ee kororka gaar ahaan tirada dusgiyada, Ardeyda iyo Macalimiinta oo isbedel weyn laga sameeyay, taas oo ay dheertahay in la dhammeystiray qorshihii lagu hirgalin lahaa dugsiyo lagu barto Cilmiyada Badda, Xannaanada Xoolaha iyo Beeraha.

Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Saree ee Dalka Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in Wasaaraddiisa ay ka go’an tahay horumarinta Waxbarashada dalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts