HomeWararDowladda oo ka hadashay geeridii ku timid R/Wasaarihii hore ee Somalia

Dowladda oo ka hadashay geeridii ku timid R/Wasaarihii hore ee Somalia

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay geerida ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib. Mahdi Guuleed oo qoraal soo saaray ayaa tacsi u diray Qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cumar Carte oo muddooyinkii dambe ku xanuusanayay Magaalada Hargeysa. Sidoo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay geerida ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib.

Mahdi Guuleed oo qoraal soo saaray ayaa tacsi u diray Qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cumar Carte oo muddooyinkii dambe ku xanuusanayay Magaalada Hargeysa.

- Advertisement -

Sidoo kale Mahdi Guuleed oo Marxuum Cumar Carte ku tilmaamay inuu ahaa Oday guurti ah oo door muuqda kaga jira sooyaalka dalka Soomaaliya, isla markaana uu tacab badan geliyay dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa sheegay in Cumar Carte Qaalib uu ka qayb qaatay dib u heshiisiinta dadka si waddaniyad iyo daacadnimo leh.

“Waxaan tacsi u dirayaa Qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allahu naxariistee marxuum Cumar Carte Qaalib. Wuxu ahaa Oday guurti ah oo door muuqda kaga jira sooyaalka dalkeenna. Wuxu soo noqday Ra’iisalwasaare sidoo kale Wasiirkii arrimaha dibadda. Marxuumku tacab badan ayuu gashaday dalkiisa, wuxuuna ka qayb qaatay dib u heshiisiinta dadka, si waddaniyad iyo daacadnimo leh ayuuna shacabka Soomaaliyeed ugu soo shaqeeyay. Waxaan alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

- Advertisement -

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayuu Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib ku xanuunsanayay Isbitaal ku yaalla Hargeysa, isagoo xanuunkii haayay uu goordhaweyd u geeriyooday.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts