HomeWararSomaliland oo ka hortimid heshiis ay gaareen Dowladda Somalia iyo QM

Somaliland oo ka hortimid heshiis ay gaareen Dowladda Somalia iyo QM

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa Fadhi aan caadi aheyn oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku yeeshay Magaalada Hargeysa, iyagoona uga dooday Arrimo kala duwan. Golaha Wasiirada ayaa dood ka yeeshay heshiis ay wada gaareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiilka Qarama Midoobay ee Somalia James Swan 15-kii October 2020, oo ku saabsanaa nidaamka wada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa Fadhi aan caadi aheyn oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku yeeshay Magaalada Hargeysa, iyagoona uga dooday Arrimo kala duwan.

Golaha Wasiirada ayaa dood ka yeeshay heshiis ay wada gaareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiilka Qarama Midoobay ee Somalia James Swan 15-kii October 2020, oo ku saabsanaa nidaamka wada shaqaynta (Un sustainable development cooperation framework UNCF), iyagoona heshiis ku tilmaamay mid meel uga dhacaya Madaxbanaanida Somaliland, faro-gelinna ku ah arrimaha gudaha.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeed laga soo saaray Shirka Golaha Wasiirada.

Heshiis ay wada gaareen Soomaaliya iyo wakiilka UN-ka James Swan 15-kii October 2020, oo ku saabsanaa nidaamka wada shaqaynta (Un sustainable development cooperation framework UNCF), kaas oo ay ka muuqato inuu meel ka dhac ku yahay Madaxbanaanida Somaliland, faro-gelinna ku yahay arrimaha gudaha Somaliland.

Sidaa daraadeed, Somaliland kama mid aha dowladda Federaalka Soomaaliya, kamana mid noqon doonto, horena Somaliland way u caddaysay mawqifkeeda, sidaa awgeed golaha wasiirradu waxay beesha caalamka u cadaynayaan inay kala madax-bannaan yihiin Somaliland iyo Soomaaliya.

- Advertisement -

Muddo soddon sanno ah wax sharci ah, shaqo ah, iyo wax wada lahaansho, lama wadaagin Soomaaliya. Somaliland marnaba dheg jalaq u siin mayso xeelad siyaasadeed, culays dhaqaale iyo mid warbaahineed oo lagu xagal-daacinayo jiritaanka Somaliland.

Golaha wasiirradu waxa uu faray wasaaradaha ay khusayso arrimahaasi inay warbixin qoto-dheer ka keenaan.

Golaha wasiirada Somaliland iyagoo garowsan baahida u qabo shirkado caalamiya iyo iskaashi dhaqaale, waxa uu dood ka yeeshay arrinta diyaaradaha Fly-Dubai iyo Air Arabia oo hore uga hawl geli-jiray Somaliland, balse hay’adda duulista hawada Somaliland shaqada ka hakisay.

Golaha wasiirradu waxay maareeyaha duulista hawada, garyaqaanka guud iyo xeer ilaaliyaha guud ka dhegeysteen warbixinta xogta rasmiga ah ee ku saabsan diyaaradahaasi, waxana uu goluhu xaqiiqsaday in shaqo-ka-hakinta diyaaradahaasi ay tahay arrin sharci madaama aannu jirin heshiis rasmi ah oo hay’adda duulista Somaliland la gashay hay’adda duulista laga leeyahay diyaaradahaasi.

Sidaa awgeed, golaha wasiiradu waxa uu isku raacay:-

1-In hakinta diyaaradahaasi socon doonto inta laga gaadhayo heshiis u dhexeeya labada hay’adood, iyadoo la waafajinayo shuruucda iyo xeerarka.

2-In la xoojiyo heshiis dhexmara labada hay’adood ee duulimaadyada.

3-In laga hawl-galo dhamaystirka heshiiska labada dhinac, iyadoo kor loo qaadayo lana kobcinayo dhaqaalaha .

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts