HomeWararDiyaarado Ciidamo badan sida oo Maanta ka degay Magaalada Jowhar

Diyaarado Ciidamo badan sida oo Maanta ka degay Magaalada Jowhar

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wararka aan la heleyno Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Maanta ay ka degeen diyaarado sida Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka. Saddex diyaaradood oo siday Boqolaal Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda ee sida gaarka  u tababaran ee loo yaqaano Haramcad ayaa ka degay Garoonka Jowhar, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan la heleyno Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Maanta ay ka degeen diyaarado sida Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka.

Saddex diyaaradood oo siday Boqolaal Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda ee sida gaarka  u tababaran ee loo yaqaano Haramcad ayaa ka degay Garoonka Jowhar, kuwaasi oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Saraakiil Ciidan oo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa Garoonka diyaaradaha Jowhar kusoo dhaweeyay Ciidamada, iyagoona intaas kadib loo gudbiyay Saldhigyo loogu tala-galay inay degaan.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Ciidanka Booliska Haramcad ee gaaray Jowhar ay ka qeyb qaadan doonaan sugida amniga Caasimadda Hirshabeelle oo lagu qabanayo Doorashada Maamulkaas, ayna socdaan Olole ballaaran.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku sugan Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe, Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre Maxamed, Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Guddiga soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle.

- Advertisement -

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka oo ku aadan Ciidankii Maanta gaaray Jowhar, hayeeshee waxaa halkaas siweyn looga dareemayaa Ololaha Doorashada, waxaana haatan socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee lagu soo xulayo Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub ee Maamulka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts