HomeWararDowladda oo tababar u soo xirtay Saraakiil Ciidan iyo fariin loo diray

Dowladda oo tababar u soo xirtay Saraakiil Ciidan iyo fariin loo diray

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Xaflad ay ku qalin jebinayeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo isugu jiray leyli sarkaal, saraakiil xigeeno iyo ururka shanaad Gorgor ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa maanta lagu qabtay dugsiga tababar Ciidanka ee Turksom. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Wasiirka Gaashaan dhiga Dalka Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe), Safiirka Jamhuuriyadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xaflad ay ku qalin jebinayeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo isugu jiray leyli sarkaal, saraakiil xigeeno iyo ururka shanaad Gorgor ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa maanta lagu qabtay dugsiga tababar Ciidanka ee Turksom.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Wasiirka Gaashaan dhiga Dalka Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe), Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka, taliyihii hore ee Ciidanka Xooga Dalka, taliyaasha qeybaha kale duwan ee Ciidanka Xooga Dalka,saraakiil iyo diplomaasiyiin ka socotay walaalaha turkiga iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay Munaasabadda.

- Advertisement -

Saraakiil ka socotay taliska ciidanka xooga walaalaha turkiga oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka dugsigan loo aas aasay ay aheyd dib u dhiska ciidanka xooga Dalka Soomaaliyeed islamrakaana ay sii wadi doonaan dadaaladda dib loogu xoojinayo ciidanka qaranka Soomaaliyeed.

Taliayaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeya guuto Odowaa Yusuf Raage ayaa u sheegya in ciidanka qalin jebiyay ama tababar usoo gaba gaboobay in ay howlo adag sugeyso oo ah difaaca sharafka qaranimada Soomaliyed, isagoo kula dardaarmay difaaca dhulka Jamhuuriyadda

Wasiirka gaashaandgiga Xasan Cali Maxmed (Amar-dambe) ayaa sidoo kale hambalyo ciidamda waxaana uu kala dardaarmay saraakkiisha saraakil xigeenada iyo ururada shanaad ee xooga dalka inay aqoonta ay barteen ay dalkooda iyo dadkoodo ugu adeegaan.

- Advertisement -

Gudoomaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo tababarka usoo xeray  ayaa uga mahad celiyay walalaha turkuga iyo dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeda uga taageerayaan dib udhis ciidamada qalabka sida gaar ahaan xoogga dalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts