HomeWararRa’iisul Wasaare Kheyre oo Goordhow gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Goordhow gaaray Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug. Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno kale. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno kale.

- Advertisement -

Intaas kadib Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa loo galbiyay gudaha Magaalada Dhuusamareeb, waxaana inta uu halkaas ku sugan yahay kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka oo ku sugan halkaas.

Wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb oo u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maalmaha soo socda furmi doona, kaasoo looga arrinsanayo hannaanka doorashada ee dalku galayo.

Shirkaas ayaa waxaa ku baaqay Madaxda maamul Goboleedyada dalka, iyadoo War murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madaxda lagu sheegay in aanay dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod oo waqtigeeda ku dhacda, sidaas darteedna tubta farsamo ee qabsoomida doorashada dalku ay noqoto mid taladeeda loo dhan yahay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts