HomeWararMaamulka G/Hiiraan oo ka hadlay Diyaaradii Maanta burburtay

Maamulka G/Hiiraan oo ka hadlay Diyaaradii Maanta burburtay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka hadlay diyaaradii Xamuulka aheyd ee duhurnimadii Maanta ku burburtay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne. Guddoomiye Cali Jeyte ayaa waxaa uu sheegay in diyaaradaas burburtay ay siday raashin ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ay ugu tala galeen dadkii ay saameynta ku yeesheen daadadkii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka hadlay diyaaradii Xamuulka aheyd ee duhurnimadii Maanta ku burburtay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa waxaa uu sheegay in diyaaradaas burburtay ay siday raashin ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ay ugu tala galeen dadkii ay saameynta ku yeesheen daadadkii Baladweyne.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in markii diyaarada kusoo degi rabtay Garoonka ay mid kamid ah lugaha u bixi waayeen, isla markaana dhacday, sidaasina uu uga kacay dab xoogan, hayeeshee markii dambe lagu guuleystay in la demiyo.

Isaga oo sii hadlaayay Cali Jeyte ayaa waxaa uu nasiib darro uu ku tilmaamay in Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne uusan laheyn gaadiidka dab demiska, taasina ay mas’uuliyadeeda ay qaadanayan Dowladda dhexe iyo Ciidamada AMISOM.

“Waa ayaan-darro in garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne uusan laheyn gaadiidka dab demiska , waxaana mas’uuliyaddaas qaadanaya dowladda dhexe iyo ciidamada AMISOM” ayuu yiri Cali Jeyte.

- Advertisement -

Si kastaba diyaaraddii Baladweyne ku burburtay ayaa ah diyaarad ka diiwaan gashan dalka Kenya, isla markaana kasoo duushay dalka Jabuuti, waxaana laga badbaadiyay diyaaradda sadax ruux oo saarnaa in kasta oo dhawacyo soo gaareen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts