HomeWararDuqa Garoowe oo ka horyimid qorshaha Xaraashka Xarunta Barlamaanka P/land

Duqa Garoowe oo ka horyimid qorshaha Xaraashka Xarunta Barlamaanka P/land

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duqa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Axmed Siciid Muuse ayaa horyimid qorshaha Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay ku doonayaan inay ku xaraashaan Xaruntooda ee haatan ay ku shaqeeyaan. Qoraal uu soo saaray Duqa Garoowe ayaa waxaa uu sheegay in Xarunta uu ku shaqeeyo Baarlamaanka Puntland ee la doonayo inay xaraasho ay leedahay Degmada, isla markaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Duqa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Axmed Siciid Muuse ayaa horyimid qorshaha Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay ku doonayaan inay ku xaraashaan Xaruntooda ee haatan ay ku shaqeeyaan.

Qoraal uu soo saaray Duqa Garoowe ayaa waxaa uu sheegay in Xarunta uu ku shaqeeyo Baarlamaanka Puntland ee la doonayo inay xaraasho ay leedahay Degmada, isla markaana dhulkaas uu yahay mid hanti dadweyne ah.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Axmed Siciid Muuse in Baarlamaanka Puntland uu si KMG ah ugu sameeynayay Xaruntaas ilaa iyo inta uu Xarun rasmi ah uu leeyahay uga helayo, isagoo xusay in aysan awood u laheyn Baarlamaanka iibinta Xaruntaas.

“Xarunta Baarlamaanku degan yahay, waa hanti dadweyne oo degmada Garoowe leedahay. Baarlamaanku si ku meel gaar ah buu ugu sii shaqaynayey inta uu xarun rasmi ah oo uu leeyahay ka helayo. Sidaa awgeed awood uma laha inuu iibiyo” ayuu yiri Duqa Garoowe.

Sidoo kale Qoraalka Axmed Siciid Muuse ayaa waxaa uu ku sheegay inay Qoraal u dirayaan Madaxda dowlad Goboleedka Puntland, si gacanta Maamulka Degmada dib loogu soo celiyo Xarunta uu haatan ku shaqeeyo Baarlamaanka Puntland.

- Advertisement -

“Qoraal rasmi ah ayaan u diraynaa madaxda dawladda si xarunta loogu soo celiyo gacanta degmada, maadaama baarlamaanku ka maarmay” ayuu sii raacsiiyay hadalkiisa.

Si kastaba Xildhibaanada Baarlamanka Puntland ayaa shalay ansixiyay qaraar ah in la xaraasho Xarunta ee haatan ku shaqeeyaan, iyaga oo sheegey in ay u guurayaan dhanka woqooyi ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts