Duqa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Axmed Siciid Muuse ayaa horyimid qorshaha Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay ku doonayaan inay ku xaraashaan Xaruntooda ee haatan ay ku shaqeeyaan.
Qoraal uu soo saaray Duqa Garoowe ayaa waxaa uu sheegay in Xarunta uu ku shaqeeyo Baarlamaanka Puntland ee la doonayo inay xaraasho ay leedahay Degmada, isla markaana dhulkaas uu yahay mid hanti dadweyne ah.
Waxaa uu sheegay Axmed Siciid Muuse in Baarlamaanka Puntland uu si KMG ah ugu sameeynayay Xaruntaas ilaa iyo inta uu Xarun rasmi ah uu leeyahay uga helayo, isagoo xusay in aysan awood u laheyn Baarlamaanka iibinta Xaruntaas.
“Xarunta Baarlamaanku degan yahay, waa hanti dadweyne oo degmada Garoowe leedahay. Baarlamaanku si ku meel gaar ah buu ugu sii shaqaynayey inta uu xarun rasmi ah oo uu leeyahay ka helayo. Sidaa awgeed awood uma laha inuu iibiyo†ayuu yiri Duqa Garoowe.
Sidoo kale Qoraalka Axmed Siciid Muuse ayaa waxaa uu ku sheegay inay Qoraal u dirayaan Madaxda dowlad Goboleedka Puntland, si gacanta Maamulka Degmada dib loogu soo celiyo Xarunta uu haatan ku shaqeeyo Baarlamaanka Puntland.
“Qoraal rasmi ah ayaan u diraynaa madaxda dawladda si xarunta loogu soo celiyo gacanta degmada, maadaama baarlamaanku ka maarmay” ayuu sii raacsiiyay hadalkiisa.
Si kastaba Xildhibaanada Baarlamanka Puntland ayaa shalay ansixiyay qaraar ah in la xaraasho Xarunta ee haatan ku shaqeeyaan, iyaga oo sheegey in ay u guurayaan dhanka woqooyi ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.