HomeWararDuqa Muqdisho oo faah-faahiyay Qaraxii Ex-Koontarool Afgooye + Sawirro

Duqa Muqdisho oo faah-faahiyay Qaraxii Ex-Koontarool Afgooye + Sawirro

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa tegay Isgoyska Ex- Koontarool Afgooye, halkaas oo saakay uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ahaa. Guddoomiye Cumar Finish ayaa faah-faahiyay qaraxa ka dhacay Isgoyska Ex- Koontarool Afgooye ee Muqdisho, waxaana uu sheegay in qaraxaas loo adeegsaday […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa tegay Isgoyska Ex- Koontarool Afgooye, halkaas oo saakay uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ahaa.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa faah-faahiyay qaraxa ka dhacay Isgoyska Ex- Koontarool Afgooye ee Muqdisho, waxaana uu sheegay in qaraxaas loo adeegsaday gaari nooca xamuulka qaada oo laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, isla markaana uu geystay Khasaaro aad u badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka aya sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan Arday badan oo u socday goobo waxbarasho oo ay qaarkood ku jiraan Arday dhiganeysay Jaamacada Banaadir iyo Iskuulo kale, isagoona  ka tacsiyadeeyay.

Khasaaraha dhaawacyada ee ka dhashay qaraxa Isgoyska Ex- Koontarool Afgooye ayuu Guddoomiye Cumar Finish ku sheegay inay gaareyso ilaa iyo 90 ruux, kuwaasi oo la geeyay Xarumaha Caafimaad eek u yaalla Muqdisho.

Waxaa kaloo uu tilmaamay in tirada dhimashada ay aad u badan tahay oo weli si rasmi ah aan loo xaqiijin, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay gaartay 18 qof oo ay ku jiraan 4 Nin oo Ajaanib ah, isla markaana halkaas ku sugnaa.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa u mahadceliyay Ciidanka amniga ay ka hortegeen qaraxii Al-shabaaba ay soo gelin jireen Magaalada, isla markaana lagu baabi’in jiray dadka shacabka iyo Mas’uuliyiinta dowladda

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada  qaraxaas saakay lagu le’day ee ka dhashay Isgoyska Ex- Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, waxaana goobta ka muuqda burbur xoogan oo soo gaaray dhismayaashii halkaas ku yaallay.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts